Golaha Guurtida oo ansixiyay ajandaha Kalfadhiga 79-aad

0
254

Hargeysa (Dawan) Golaha guurtida Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ajandaha Kalfadhiga 79aad ee golahaasi.

Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxa ay mudanayaashu dood ka yeesheen ajandaha Kal-fadhiga 79aad ee golaha, intaasi kadib gudoomiyaha golaha guurtida ayaa mudanayaasha ku wargaliyay inay u codeeyaan ajandaha Kal-fadhiga 79aad ee uu goluhu ku shaqayn doono.

Golaha guurtida ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey ajandaha Kal-fadhiga 79aad ee golahaasi, codayntaasina waxa ay u dhacday sida tan; tirada guud ee Xildhibaan fadhigan ka soo xaadiray waxay ahaayeen 57 mudane, mudanayaasha u codeeyay tiradoodu waxay ahayd 52 Xildhibaan, waxa diiday 1 Xildhibaan, waxa ka aamusay 3 Xildhibaan gudoomiyuhuna ma codayn sidaasi ayaa ansax ku noqday ajandaha Kal-fadhiga 79aad ee golaha guurtiddu.

 

Leave a Reply