Haraadka haya dartii Ayuu  afku dhulka ku dhagey!

0
384

Hargeysa (Dawan) Dameeruhu waxa ay ka mid yihiin xoolaha caanaleyda jaadkooda Gamaanka loo yaqaan, waxaanay isku bah yihiin oo magac iyo muuqaalba wadaagaan fardaha, farowga iyo baqlaha.

Sida Awrta Dameerku uma xoog badna haddana qofkii ay dani baddaa wuu rartaa, wuuna dhaansada, sida Fardaha uma dheereeyo, haddana waala fuula, waa lagu socdaala, maalinta geedina haba gaabiye reeraha ayay dadka qaar ku rartaan.

Aad ayuu Dameerku dhulka Soomaalida, hase ahaate sida xoolaha kale looma dhaqaaleeyo.

Magaalooyinka iyo Miyigaba isku si ayuu u jooga, loomase roona rarka culusna loogama tudho, si xun ayaa loo dila, dadka adeegsana xilliga jilaalkii ama uu talaxgabo baad iyo biyo ku filan ma siiyaan, intaasi kasekow dameerka waala yasaa, Soomaalida oo kali ah maahe afkasta ayuu ku caayanyahay, waxa la qaba in xoolaha oo dhan uu ugu doqonsan yahay, xumaankasta oo lagula kacana aanu ka dhiidhiyin, Awrtu haddii la uleeyo way cabaada mararka qaarna qofkii xanuujiya way qaniintaa, ama intay dabarka goyso ayay ka baxsata, dameerkuse wax la yeelay kama ashkatoodo, kamana xafiif qaato, lagamana yaabo ruuxa garaacaya inta uu dib ugu soo jeesto in xannuunka haya laga dareemo, sidaas darteed dameerbaad tahay qofkii lagu yidhaahda kama gam’o,.

Dhinaca kale fikradu doono haka hayste qofka dameera lihi in uu xoolo haysto uma qabo, sidaasi darteedna kii mar xoola lahaan jiray ee aan hadda waxba hayn waxa loogu maahmaaha Aabahay ayaa Fardo lahaan jiray ana dameero leh ayaa dhaanta.

Dameeruhu waxay ka mid yihiin xoolaha gaadiidka u ah bulshadeenaha baadiyaha una qabta hawlo kala duwan, sida dhaanka, qaadista alaabooyinka, soo rarista xaabada iyo adeegyo kale.

Magaalooyinka inta ugu badan Dameeraha waxa loo adeegsada dhaanka biyaha gurista alaabaha dhismaha, balse kuma haystaan daryeel, oo marka ay talax gabaan ayaa dabarka laga jara oo suuqa lagu siidaya.

Sawirkan hadda idiin muuqda waa mid ka mida Dameeraha magaalo jooga ah, gaar ahaan Hargeysa, oo haraad dartii afku dhulka ku dhagey, madaxana kor uga qaadi waayay biyo dadhiisinka yar ee waddada hareeraheeda oo uu biyo geliyay roobkii habeen hore ka da’ay magaalada.

Waxaan agtaagna muddo badan, jidkana waxa qulqulayay gaadiid tiro badan, oo sida caadada ah inta badan dameeruhu kadidaan, balse haraadka haya darteed aanu madaxa kor u qaadin.

Nuxurka fariintaydu waxay tahay in Mayeedhanka ILLAAHEY looga cabsado, xuquuqdoodana hala ilaaliyo, kaliya yaanay inaga noqon in la eryo marka xoogiisa iyo manaafacaadkiisa la dhammeysto.

Hay’addaha dawladda iyo kuwa madaxa bannaanina hawska xilsaaraan in ay u sameeyaan seerayaal lagu daryeelo iyo goobo ay ka cabaan, oo gudaha magaalooyinka ah.

Leave a Reply