Horyaalka Ingiriiska oo la Hakiyay Kulamadiisii iyo Champions League oo la ciyaarayo

0
291

Kaddib markii lagu dhawaaqay in kulamadii horyaalka Premier League ee toddobaadkan loo joojiyay geerida Boqoroyadda Ingiriiska ee Khamiistii dhimatay, waxa go’aan laga gaadhay kulamada horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League ee dhacaya Salaasada iyo Arbacada Champions League.

Ingiriiska iyo guud ahaan UK oo looga fadhiyo baroor-duuqda geerida Queen Elizabeth II oo iyada oo ay da’deedu tahay 96 jir geeriyootay ayaa waxay sababtay in sidoo kale ay istaagaan oo la  joojiyo kulamadii heerarka kala duwan ee guud ahaan UK ka dhici lahaa.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa isagu go’aan ka duwan ka Ingiriiska  qaatay, waxaanu ku wargeliyey dhamaan kooxaha, in la ciyaari doono kulamada Champions League, Europa League iyo UEFA Conference League ee Salaasada, Arbacada iyo Khamiista.

Chelsea, Liverpool, Manchester City iyo Tottenham ayaa waxay ciyaari doonaan Champions League iyaga oo waliba raadinaya guulo, waxaana laba ka mid ah ay lasoo kulmeen guul-darrooyin waaweyn halka laba kalena ay libin soo hooyeen.

Tottenham ayaa waxay Salaasada u safraysaa Sporting Lisbon iyadoo Liverpool oo Napoli ay si weyn ugu soo karbaashtay ay habeennimada Salaasada martigelin doonto Ajax.

Chelsea ayaa iyaduna magaalada London kusoo dhoweyn doonta RB Leipzig inkasta oo caasimadda Ingiriiska uu ka taagan tahay baroor-diiqda boqoraddu, halka Manchester City ay iyaduna safar ku tegi doonto Jarmalka oo ay kula soo ciyaari doonto Borussia Dortmund.

Manchester United iyo Arsenal ayaa iyaguna Khamiista ciyaari doona tartanka Europa League, iyadoo Gunners guul soo hoysay, halka Manchester United garoonkeeda Old Trafford ay ku garaacday Real Sociedad oo 1-0 kaga badisay

Leave a Reply