Isbeddelka ku dhacay Mushaharka Tababareyaasha Premier League Kaddib Bixitaankii Tuchel iyo Magacaabistii Potter ee Chelsea

0
237

Isbeddel weyn ayaa ku yimid mushaharka tababaareyaasha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii ay Chelsea shaqada ka caydhisay Thomas Tuchel Arbacadii ee ay ku beddeshay Graham Potter oo ay kasoo qaadatay Brighton iyo Hove Albion.

Khamiistii ayay Blues shaacisay magacaabisay Graham Potter oo ay ka dhigtay macallinka afraad ee ugu mushaharka badan horyaalka Premier League, iyadoo siisay qandaraas ku kacaya £60 milyan oo Gini oo mushahar ah muddo shan sannadood ah oo uu qandaraaskooda u saxeexay.

Graham Potter ayaa sannadkii mushahar u qaadanaya £12 milyan oo Gini, sida uu sheegay wariyaha Daily Telegraph ee Matt Law oo helay xogta iyo faahfaahinta heshiiska Chelsea iyo Potter.

Horyaalka Premier League oo uu ugu mushahar badan yahay Pep Guardiola oo sannadkii qaata £19 milyan oo Gini oo ay Manchester City siiso, ayaa waxa ku xiga Jurgen Klopp oo £16 milyan sannadkii mushahar uga qaata Liverpool, halka uu saddexaadna ku jiro Antonio Conte oo Tottenham ah oo mushaharkiisu yahay £15 milyan oo Gini.

Potter ayaa soo galay kaalinta afraad oo kasoo hormaray Brendan Rodgers oo shanaad ah iyo tababaraha  Manchester United ee Erik ten Hag oo booska kaalinta lixaad u dhacay.

Halkan kaga bogo mushaharka tababareyaasha horyaalka Premier  League

Thomas Frank | Brentford | £1.5m-sannadkii

Bruno Lage | Wolverhampton Wanderers | £3m-sannadkii

Eddie Howe | Newcastle United | £3.5m-sannadkii

Jesse Marsch | Leeds United | £3.5m-sannadkii

Patrick Vieira | Crystal Palace | £4.5m-sannadkii

Steven Gerrard | Aston Villa | £5m-sannadkii

David Moyes | West Ham | £5m-sannadkii

Frank Lampard | Everton | £6m-sannadkii

Ralph Hasenhuttl | Southampton | £7m-sannadkii

Mikel Arteta | Arsenal | £8.3m-sannadkii

Erik ten Hag | Manchester United | £9m-sannadkii

Brendan Rodgers | Leicester City | £10m-sannadkii

Graham Potter | Chelsea | £12m-sannadkii

Antonio Conte | Tottenham Hotspur | £15m-sannadkii

Jurgen Klopp | Liverpool | £16m-sannadkii

Pep Guardiola | Manchester City | £19m-sannadkii

 

Leave a Reply