Nuxurka Qodobo ka soo Baxay kulankii ka Qabsoomay wasaaradda Arimaha.

0
228

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ay weheliyeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iiman Warsame, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi Axmed, Gudoomiyaha Gobolka Hawd Axmed Yaasiin Maxamed Faarax, Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac Raanboo, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Maxamed iyo Xoghaya Fulinta ee Dawladda Hoose, Hargeysa Siciid Nuur, jaamac ayaa kulan la qaatay waxgaradka Koonfurta Hargeysa iyo Gobolka Hawd.

Kulan Waxaa ka soo qayb galay Cuqaasha, Waxgaradka iyo xubnaha Golaha Degaanka Gobolka Hawd, kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo fidin lahaa Kaantaroolka Baligubadle iyo in dadka shacabka ah laga raro Xeryaha Ciidanka ee Birjeex.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka waramay muhiimada ay caasimada u leedahay in ay noqoto mid qurux badan oo leh wadooyin wanaagsan iyo qorshe mustaqbal, dhinaca waxaa goobta ka hadlay Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo Wasiirka Wasaaradda Horuumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iiman Warsame.

Shirkan ayaa waxaa lagu go’aamiyey qodobadan hoos ku xusun.

1- In Kaantaroolka Baligubadle la geeyo goobta loo yaqaan Mitirka, iyada oo ay Kaantaroolka la rarayo ay gaadhay Magaaladu, waxaana la isla qaatay in la geeyo goobtaa loo asteeyey ee Mintirka .

2- In dadka degan Xeryaha Ciidanka loo raro Galbeed Qalax, taasoo iyana la isku raaxay.

3- Cuqaasha iyo waxgaradka koonfurta Hargeysa iyo Gobolka Hawd, waxay raali gelin buuxda ka bixiyeen hadalo lagu duray Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo Ganacsade Cabdikariim Maxamed Iid.

Leave a Reply