Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Saldhigga Dhexe ee Boorama iyo Qaybta Booliska Gobolka Awdal

0
297

Madaxweynuhu wuxuu u kuur galay xaaladda nololeed ee maxaabiista ku jirta saldhigga dhexe Boorama

\Boorama (Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo socdaal  shaqo ku jooga xarunta gobolka Awdal ee Boorama, ayaa shalay kormeeray saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Boorama iyo Xarunta  qaybta Booliska ee gobolka Awdal. Waxaanu  halkaa kulan is xogwaraysi ah kula yeeshay hoggaanka ciidanka Booliska, madaxda gobolka iyo kuwa degmada. Waxaanu madaxweynuhu u kuurgalay xaaladda guud ee Saldhiga iyo maxaabista ku xidhan.

Madaxweynaha oo ay weheliyeen xubno ka mid ah golaha wasiirrada oo weftigiisa kamid ah, ayaa madaxda gobolka iyo kuwa degmada Boorama u qaabilsan xukuumadda iyo hay’adaha amniga ka dhegaystay xaaladda guud ee amniga, waxaanu uga mahadnaqay sida habsamida leh ee ay hawshooda qaran u wataan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Boorama kula tukaday salaaddii Jimcaha Masaajidka Abu-hurayra ee badhtamaha magaalada Boorama.

Leave a Reply