Ururada Siyaasadda oo u Jawaabay Madaxda WADDANI iyo UCID

0
228

Hargeysa(Dawan):-Urur siyaasadeedyada u taagan ka qayb galka Doorashooyinka ururada iyo asxaabta qaranka ee usoo gudbay wajiga labaad,ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay madaxda labada xisbi mucaarid oo mar kale ku baaqay muddaharaad aan fasax loo haysan isla markaana qasaare  kale ka dhalan karo.

5 kamid ah madaxda urrurada siyaasada ee Somaliland, ayaa xisbiyada mucaaradka ugu baaqay in ay u hoggaansamaan qaraarka Maxkamada dastuuriga ah ee ku aadan furista urrurada siyaasada.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waabari Cabdirisaaq Ibraahin Ataash iyo guddoomiyaha urur siyaasadeedka Hilaac Axmed Ismaciil Samatar, oo ku hadlay afka urur siyaasadeedada 5-ta ah, ayaa sheegay in aanu jirin madaxweyne Somaliland boqor ka noqonaya, loona baahanyahay in aan mudaharaado kale la samayn.

Waxaanu yidhi Ataash.”Dhawaaqyadii ugu dambeeyay ee soo baxayay ee ka imanayay xisbiyada mucaaradka, waxay ahaayeen kuwo werwrkooda leh ma mudna madaxweyne aan dalkan joogi doonin oo aan boqor ka noqon doonin, in wixii cishadii dhawayd dhacay ay dib inoogu soo noqdaan”.

Guddoomiye Samatar ayaa dhankiisa sheegay in dhallinyarada Somaliland mustaqbal u baahantahay, iyo in aan laysku dul qabsan, mustaqbalkaana lagu xaqiijin karo in la raaco soojeedinta Maxkamada sare iyo golayaashii sharci dejinta ee kala danbeeyay.

Waxaanu yidhi.”Si mustaqbalka loo xaqiijiyo waxaanu usoo jeedinaynaa mucaarad iyo muxaafidba, in loo hoggaansamo oo la raaco hay’addihii waddanka ugu waa waynaa hadalkaa ay soo jeediyeen, meel kale oo umadi ay tagtaa ma jirto”.

Waxa uu sheegay in xeerka furista ururada siyaasada, ay ansixiyeen golihii wakiillada ee hore, golaha hadda joogaana ay markale meel mariyeen, kadibna golaha guurtidu qalinka ku duugeen, maxkamadda sare iyo Madaxweynuhuna ay socodsiiyeen.

Waxay sheegeen in aanay garanayn meel kale oo dood la geeyo marka intaasoo hay’addood meel mariyeen xeerka furista ururada siyaasada, waxay ay sheegeen in loo bahanyahay in ummadu u hoggaansato xeerarka hay’addaha dastuuriga ah oo aan muran la galin.

Leave a Reply