Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Geerida Boqoraddii Saxeexday Madaxbanaanida Somaliland 1960-kii

0
260

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane. Muuse Biixi Cabdi ayaa, ka hadlay Geerida Boqoraddii Ingiriiska ee saxeexday madaxbannaanida Somaliland 1960-kii. Elizabeth II.

Waxaanu dhambaal tacsi ah u diray xukuumada iyo shacabka Ingiriiska geerida ku timi boqoradii Elizabeth II.

Qoraal Madaxweynahu soo dhigay bartiisa Twitter ayuu ku sheegay in dedaalkeedii adeegga bulshadu dhiirigelin doonto jiilasha soo socda, waxaanu yidhi,

“Anigoo ku hadlaya magaca dawladda iyo kan shacbiga Somaliland, waxaan tacsi u dirayaa qoyska boqortooyada iyo shacabka Boqortooyada Ingiriiska geerida ku timid Boqoradii Ingiriiska Elizabeth II.

Qoraalka Madaxweynaha ayaa la raaciyey in dedaalkeedii adeegga bulshadu dhiirigelin doonto jiilasha soo socda, waxaanu yidhi,

“Dedaalkeedii ku aaddana adeegga bulshada iyo hoggaaminta aan leexleexa lahayn waxay dhiirigelin doontaa jiilasha soo socda.”

Boqorada Ingiriiska ayaa hore u saxeexday qoraal maxmiyadii Ingiriisku ku siisay Somaliland madaxbanaanideeda sannadkii 1960-kii.

Qoraalka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dhambaalo tacsiyadeed oo madaxda caalamku  ka  direen geerida Baoqoradii Ingiriiska oo habeen hore geeriyootay

Leave a Reply