Ururka Bisha Cas oo Martigeliyey kulan Qaadhaan-bixiyeyaal Caalamku Yeesheen

0
283

Hargeysa-(Dawan):- Ururka Bisha Cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal  ayaa ku martigeliyey Hargeysa kulamo wefdiyo qaadhaan-bixiyeyaal ahi ku soo kormeerayey xaaladda abaaraha dalka.

Wefdiga qaadhaan-bixiyeyaasha ah oo ka kala socday bilaha cas wadamada Ingiriiska, Sweden, Finland, Maraykanka iyo IFRS oo guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland hoggaaminayo ayaa saddex maalmood soo kormeeray xaaladda abaaraha ee gobolada Bariga iyo  galbeedka dalka.

Xubnaha wefdiga ayaa la sheegay inay natiijada kormeerkooda ka sheegi doonaan kulan qaadhaan-bixiyeyaashu ku yeelan doonaan magaalada Nayroobi.

Dhinaca kale, kulan kale oo bisha cas martigeliyey ayaa lagu qabtay Hargeysa khamiistii ayey ka soo qeybgaleen soddon xubnood oo 15 Wadan oo Somaliland ku jirto oo bilaha cas ee caalamka ka kala socday.

Kulanka oo laba maalmood ka socday Hotel Maansoor ayaa lagaga hadlay waxqabadkii bisha cas iyo qorshahooda sannadka cusub.

Kulanka oo sannadkii labaad oo xdhiidh ah lagu qabtay dalka ayaa hore loogu qaban jiray wadamada jaarka.

 

 

Leave a Reply