Guddiga Nabad-geliyadda Sool oo Go’aamo ka soo saaray Khilaaf u Dhexeeyay laba Shirkadood

0
226

Laascaanood (Dawan): Guddiga nabad gelyadda gobolka Sool ayaa go’aamo ka soo saaray khilaaf soo kala dhex galay shirkadaha Qaadka keena magaaladda Laascaanood.
Kadib markii ay dhawaan shaqaaqo gacan ka hadal gaadhay dhex martay shirkadaha Qaadka keenna magaaladda Laaacaanood.
Khilaafkaasi ayaa u dhexeeyay ganacsatadda labadda shirkadood ee kala ah ALLA-wakiil iyo ALLA Aamin 571, oo midna Qaadka Laascaanood uga keento Kenya, midda kalena dhinaca dalka Ethiopia.
Heshiiskan ay guddiga nabad-gelyadda Sool ka soo saareen shaqaaqadii dhawaan garoonka diyaaradaha magaaladda Laascaanood ku dhex martay labada shirkadood ayaa la xidhiidhay kala riixashadda suuqa, iyo soo dejinta Qaadka ee maalmaha ay ku kaltamayaan, kuwaasoo dhawaan isku khilaafay arrintaasi.
Kadib muddo afar maalmood ah oo guddiga nabad-gelyadda Sool oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, ay ku hawlanaayeen soo af-jaridda muranka shirkadahaasi ayaa Khamiistii dorraad waxay ka soo saareen go’aamo la iskula qaatay jadwalka maalmaha ay labada shirkadood mid waliba Qaadka keenayso magaaladda Laascaanood.
Labada shirkadood ee la heshiisiiyay oo kala ah Al-wakill, oo iyadu Qaadka loo yaqaano Miirowga ka keenta dalka Kenya, iyo shirkadda Alla Aamin 571 oo iyadna Qaadka ka soo waarida dhinaca dalka Ethiopia.
Kulankii shaacinta go’aamadda lagu heshiisiiyay labada shirkadood oo ka qabsoomay xafiiska Guddoomiyaha Sool, waxaa goob jòog ka ahaa Guddoomiyaha  Sool, maayerka Laascaanood, madax dhaqameed xubnaha guddiga nabad-gelyadda Sool, iyo wakiiladda labadda shirkadood ee Alla Aamin 571, iyo Alla-wakiil.
Go’aamadaasi waxaa warbaahinta u akhriyay Guddoomiya Sool ahna guddoomiyaha gudiga nabad-geliyadda Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye.
Waxaanu yidhi, “Annagu ka dawlad ahaan, haddii aanu nahay guddiga nabad-gelyadda ee gobolka Sool, waxaanu gaadhnay go’aan ah, in aanu u qaybino labadaa shirkadood sidii ay ula soo kala degi lahaayeen Qaadka, ee ay ku iman lahaayeen diyaaraduhu garoonka magaaladda Laascaanood.
Go’aankaasi oo ah 16 maalmood oo ay keenayso shirkadda Alla-wakiil, iyo 14 maalmood oo aanu siimay shirkadda Allaa Aamin 571”.
Guddoomiyuhu waxa kaloo uu sheegay in kadib markii ay guddi nabad-geliyo ahaan go’aamadaasi soo saareen in hadana maamulka labada shirkadood ay iyagu dhexdoodda dib isugu noqdeen, isla markaana ay isla qaateen heshiis ay ku midayaan yihiin oo ah in si siman ay maalmaha keenista qaadka u qaybsadaan.
“Kadib markii aanu guddi gobol ahaan go’aamadaasi soo saarnay, ayaa ganacsatadda Qaadka ee labada shirkadood ee Alla Aamin 571 iyo Alla Wakiil, ay iyagu dhexdoodda dib isugu noqdeen. Waxaanay noo keeneen heshiis ay ku midaysan yihiin oo ay ku qaybsadeen maalmaha ay Qaadka keenayaan, iyagoo isla qaatay in shirkad waliba ay 15 maalmood keento” ayuu yidhi

 

Cabdikariin Aafan Xaaji Diiriye, ayaa ganacsatadda Qaadka uga mahad celiyay heshiiskaasi danbe ee ay iyagu dhexdooda isla qaateen, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo ku dayasho mudan.

 

Leave a Reply