Xikmadda Maanta

0
271
  • Geesinimadu waa qiimaha keliya ee lagu iibsan karo nabadda.
  • Fursaddu Abid ma garaacdo, albaabka qofka ceebaynta badan.
  • Caajiska iyo Wahsigu waa xabaasha lagu aaso fursadda.
  • Qofka oo naftiisa ka hela, quruxdiisana ku qancaa waa astaanta nacasyada.
  • Sirta noloshu ma’aha in aad samayso waxa aad jeceshay, kaakiin waa in aad jeceshay hawsha aad qabanayso.
  • Haddii aad ka dhigato wax kasta oo ku raalli gelin, weligaa nolosha ku xasili maysid.
  • Haddii aad doonto khayrka minjo u noqo, laakiin sharka madax ha u noqon.
  • Badanaa walaal aanay hooyadaa dhalin.
  • U Sabir xaasidkaaga, waayo sabirkaaga ayaa dilaya, haddii uu dabku waayo wax uu cuno isaga ayaa is cuna ugu danabaynta.
  • Dadka xiqdiga iyo calool xumada badan u noqon sida geedka timirta ah ee marka dhagax lagu tuuro midho timir ah soo daadiya.
  • Geesinimadu waa qofka oo cabsidiisa xakameeya, ee ma’aha cabsida oo qofka ka guurta.
  • Geesinimadu xoog ma’aha, waayo kaneecaduba waxa ay ka dhiijisa sanka libaaxa.

 

Leave a Reply