Madaxweynaha Somaliland oo ka Dayriyay xaalka caafimaad ee Cilaajyada dalka

0
243

Qaybta labaad ee qormadeena Caafimaadka waxaan ku soo qaadanaynaa goobaha Cilaajyada  ee dadka maanka ka buka lagu dabiibo  oo dalka ku soo badanaya iyo saamayntooda.

 

Goobaha Cilaajyada ee lagu dabiibo dadka maanka ka buka, ayaa ku soo badanaya magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, kuwaasi oo qaar badan oo ka mid ah bulshadu saluug ka muujiyay habka loogu daweeyo bukaanada maskaxda iyo jidhkaba ka buka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa  siweyn uga dayriyay xaalada Cilaajyada ku yaalla gudaha Somaliland, waxaanu tilmaamay in wararka ka soo baxayaa aanay ahayn qaar loo adkaysan karo, isla markaana loo baahan yahay in loo sameeyo sharci iyo nidaam lagu maamulo dadka gacanta ku haya.

Madaxweynuhu waxa uu sidan ka sheegay khudbadii uu ka jeediyay Aug 31, 2022 qalinjabintii jaamacada Hargeysa.

Waxaanu yidhi.“Cilaajyada la geeyo dadkeena maskaxda ka buka, way ku maqan tahay wasaaraddu, in Cilaajyada iyo culimadu ay ku shaqeeyaan oo dhirta iyo cilmiga diiniga ah ee dawooyinkana haysa in nidaam lagu heshiiyay oo lagu kaantaroolo dadkan cilaajka maamula inay siyaasadii caafimaadka iyo tii diinta ee saxda ahayd inay hayaan, oo dadka aanay dhibaato gaadhsiinaynin, ayaynu iyana wadnaa.

Goordhawna muranba ka soo bixi kara oo waan aqaana maxaa loo soo faragelinaya waa culimadiye ayaa la odhanayaa? Waar cabasho iyo qaylo ayaa ka soo yeedhay cilaajyada weyn oo haddii lagu waramo waxyaabaha ka soo baxaya aad anfariirayso.

Sidaasi darteed wasaaraddu ha dajiso hawsha ay ku jirto iskaashiga culimada iyo cidda haysana hala yidhaahdo Cilaajyadana  waa in loo helaa nidaam la og yahay oo lagu maamulo dadka haya”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply