Somaliland xaalada Abaarta oo sababtay in xoolaha Gacanta wax laga siiyo

0
125

Hargeysa (Dawan) Xaalada abaarta ee ka jirta degaanada Somaliland ayaa sababtay marxalad xoolaha gacanta wax laga siiyo, kadib markii baadkii iyo biyihii dhulka ka dhammaadeen.

Xaalada abaarta ee dalka ka jirta waxyaabaha ay sababta uga dhigeen xildhibaanada golaha guurtidu ayaa ah in la ootay dhul daaqsimeedkii xooluhu ay daaqi jireen oo la ootay, isla markaana xilliyada adag ay ku badbaadi jireen.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa qaylo’dhaan ka soo saaray xaalada abaareed ee ka jirta dalka, taas oo uu tilmaamay in maalinba maalinta ka danbaysa ay sii xumaanayso, waxaanu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in si deg dega loogu gurmado dadka iyo xoolaha abaarta afar jirsatay ay naafaysay.

Waxaanu yidhi.“Xildhibaano ayaa soo jeedinayay shir’guddoonow xaalada abaarta ee dalka ka taagan dawladda gaadhsiiya, dawladda taagteediiba ka badatay ee ma abaarta meel walba inala gaadhay dhab ahaantii dawladba ka badatay, balse iyada uunba xilku saaran yahay, wixii la qaban karana way qaban inaguna wixii aynu ku darsan karno aan ku darno”

Xildhibaan Baddel Sheekh Khaliif, ayaa sheegay in col abaari maadh u tahay, taasi oo uu ku sababeeyay in colaadu kaliya ay ka sarayso abaarta.

Waxaanu yidhi.“Waxa ay Soomaalidu tidhaahda col abaari waa u maadh, oo colaada uunba abaarta ka saraysa oo way ka xun tahay ALLE haynaga soo jabiyo”

Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in xaalada abaareed ee ka jirta degaanada barriga Somaliland ay sababtay in xoolaha gacanta wax laga siiyo, kadib markii ay dhulka waxba ka goyn waayeen.

Waxaanu yidhi.“Degaanada bariga meelo ayay wax hel heleen, balse xoolo wixii ay haysteen awood la’aan ayay u taagan yihiin.

Gobollada bariga ee shishe maanta xoolo ma haysanayaan dadkii ayaa maanta loo baqayaa, sababto ah waa noole noole ku nool, way taagan yihiin xooluhu oo abaarta ku dhufatay darted maba soconayaan, ka xoola yar gacanta ku hayaana Galey ayuu gacanta ka siiyaa, wax kale oo loo oonsada iyo wax kale oo la cuna midna ma jiro,”

Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac, ayaa xusay  in Ceelkii degmada Goljano ee gobolka Sool uu jabay, isla markaana uu il’biyood u ahaa xoola dhaqato fara badan oo degaanadaas u soo naqraacay, waxaanu tilmaamay in aanay xukuumaddu arrintaasi xog’ogaal u ahayn.

Waxaanu yidhi.“Ceelkan hadeer jabay ee afarta meelood lagaga soo hayaamay, Ceerigaabo waa lagaga soo guuray, bariga shishe waa lagaga soo hayaamay, xaggan Burco waa lagaga hayaamay, Ceel’afweyn waalaga soo hayaamay, ceelkaasi 940 ayaa biyaha loogu tagey, degmada Farjano ayuu ceelku ku yaala, ilaa haddana cid ka hawlgashay ma jirto sidii loo dayactiri lahaa ceelkaasi,”

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax, ayaa daboolka ka qaaday in abaartu afarta gobol ee bariga Somaliland ay siweyn u saameysay bulshada iyo xoolahaba.

Waxaanu yidhi.“Afar gobol oo xagga bariga inagga xiga waa abaar, Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Buuhoodle abaar weeyi, abaartuna marna duunyada ayay maraysa marna dadka  inta aynaan mustaqbal ka hadlin, waxa loo baahanyahay in maanta wax laga qabto arrinta taagan oo xaalada abaarta ah, oo waliba laga yeesho tallo Qaran.

Xoolaha waxa ugu adkaysi badan Geella, haddeer geeli guryaha ayaa wax lagu siinayaa, oo waliba calaf loogu qaadayaa, dadku waxa ay biishan jireen xoolahan ayay ahayd, xoolihiina abaar ayaa heshay, marka abaari timaado oo xoolaha abaari ku dhufato waxa imanaysa in xooluhu nuglaadaan, waxa jira xannuun ku dhacaya xoolaha kaas oo dadka iyo duunyada labadaba saamaynaya, waxa aan ka hadlayna duunyadii way fadhida, abaar baahsanina way jirta ee si aanay dadku u raacin in laga taliyo oo xog ogaal loo noqdo arrintaasi oo waliba talo Qaran laga yeesho, isla markaana golahani ka hawlgalo, xukuumaddu wax way ka qabatay balse wax ku filan maaha”

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye ayaa xildhibaanada ka codsaday in aan dadka abaaraysay loo tagin iyada oo aan waxba loo waydin, balse la iska xilsaaro sidii abaarta haysa gurmad looga sameynlahaa.

Waxaanu yidhi.“Abaarta Somaliland ka jirta imika waxa ugu daran saddexda gobol ee barriga, haddii aan ILLAAHEY toddobaadyadan wax u keenina horta adduunyo hadhimayso, adduunyadii intaas waa socotay gabaabsi weeyaan imika, hadaan ALLE raxmaadkiisa u shuba intaasina meesha way ka baxaysa, abaarta sidaasa waxaad mooda in dawladdu aanay ogaynba.

Bulshadii dalka lahayd waxaas kama warhayso, sababto ah abaarta muddada intaas le’eg ku fadhiday mar uunba la odhanlahaa waxaas iyo waxaasba la geeyay, adduun quudin lagama gaadhsiiyo, balse maanta dadka dhiban ee duunyada haystay ee dhulkaasi ku noola iyaga gurmad u baahan.

Haday xoolihii ka madheen, wixii hadhaaga ahaa ee ay hayeena jilicsan yihiin, oo wax u iibsanaya aanay lahayn, bulshadii dhib ayay ku jirta.

Imika cid ku baxda la inoogama baahna, dhulka waynu og’nahay bulshadii xoolihina ka dhammaade dadkuna baahi ayuu u liitaa, haddii aynu tagno inaga oo soconayna oo kolonyo ahna bulsho baahan ado wax usida uunba loo tagaa,”

Hadalkan xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa ku beegmaya xilli qaar ka mida gobollada Somaliland ay ka jirto abaar daran oo dad iyo duunyaba naafaysay, taas oo keentay in dadka qaar xoolihii ka baxaan, xeryihii kadimada saddexda meersi xoolaad laga dareerin jiray hada fara madhnaan laga joogo.

Xildhibaanadu waxa ay siwada jira u soo jeediyeen in abaarta ba’an ee dalka ka jirta talo Qaran laga yeesho, si dadka iyo xoolaha inta hadhay loo badbaadiyo.

 

 

Leave a Reply