Nuxurka Warbixintii Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland

0
288

Hargeysa (Dawan) Ujeedo: Warbixinta Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland Kalfadhiga 79-aad ee Golahaasi.

Guddida joogtadda ah ee Golaha Guurtidda JSL oo shaqaynayay mudadii u dhaxaysay labada  kal-fadhi ee 78aad iyo 79aad.

Sida ku cad xeer hoosaadka Golaha Guurtidda JSL qodobka 6aad, Gudidda joogtadu  iyagoo gudanaya hawla-hooda shaqo, waxay la kulmeen masuuliyiinta kala ah:-

  1. Guddida Tacliinta Sare.
  2. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
  3. Guddoomiyaha Baanka Dhexe.
  4. Wasiirka Wasaaradda & Aw-qaafta.
  5. Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Macdanta.
  6. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Degaanka
  7. Wakaaladda Biyaha Berbera.
  8. Warashada Laydhka ee Berbera.
  9. Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
  10. Maareeyaha Dekeda Berbera.
  11. Mareeyaha Haamaha Kayd Shidaalka Berbere.
  12. Isu-duwaha Caafimaad Gobolka Saaxil.

Komishanka Tacliinta Sare Ee Qaranka  (MCHE) 

Komishanka waxa reform Lagu sameeyey  10 Jan 2021 iyada oo laysku daray Gudidii Tacliinta Sare iyo agaasimihii Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada  Iyo Sayniska, Hadana laga soo bilaabo Actobor 2021 ilaa maanta oo aynu kujirno July 2022 Komishanka tacliinta sare waxa u qabsoomay talaabooyinka hoos ku xusan .

  1. Saamaynta kormeerka iyo qiimaynta kala saraynta jaamacadaha kuliyadaha dalka ,
  2. Arday loo diray deeqo waxbarasho oo dalka itoobiya
  • xidhiidho uu komishanku la sameeyey hay`ado caalami ah iyo kuwo Maxali ahba iyo wax-qabad kale oo gabo-gabo ku dhow oo ay ka mid yihiin kuwan soo socdaa:-

Sharcigii ( Mannaal Regulation )

– Xeerkii (Higher Education ACT)

– Siyaasada Tacliinta sare (Higher Education Policy )

– Xeeladaha siyaasadda ( Strategic Policy )

– Siyaaasada Deeqaha Waxbarasho ( Scholaroship policy)

– Siyaasada Qalin Jabinta ( Graduation Policy)

 

Qiimaynta Tayada Tacliinta Sare(Quality Assessment)

Komishanka Tacliinta Sare waxay sheegeen qaabkii iyo habkii ay u mareen markii ay qiimaynayeen jaamacadaha iyo kuliyadaha dalka oo ay wadeen sida ay sheegeen muddo laba bilood ah, waxaanay  sheegeen inay ka hawl galeen lix kooxood. oo ay u qaybiyeen sidan:-

  • kooxda u baxday Gobolada Galbeed, Awdal iyo Gabiley.
  • Afar kooxood oo ka hawl galay Hargeysa
  • Kooxda Lixaad oo Ubaxday Gobolada Barri Berbera, Burco iyo Laascaanood

Is qiimaynta ( Self Evaluation)

Ugu Horraynba waxay sheegeen in Komishanka Tacliinta Sare ka masuul yahay warbixinta wajiga koowaad ee is qiimaynta iyo iyadamoo kusalaysan shuruudaha ay udajiyeen ( Minimium Stander)

  • Booqashada goobta (Site Visit)

Komishanka Tacliinta Sare waaay sheegeen in kooxihii loo kala diray Goobaha loo asteeyey oo mid walba gaadhay halkii loogu talagalay, si loo xaqiijiyo is qiimayntii ay hore u soo gudbiyeen Macaahida, Kuliyadaha iyo Jaamacadaha isla markaana si loo cadeeyo loona taabto wixii muuqanaayey sida  library, Laabka iyo wixii kale ee uu macluumaad ah ee loogu baahan yahay,

Waxa kale oo ay sheegeen in koox kasta laga rabo warbixinta qiimaynta (Assessment Report) , Muddo afar todobaad ah si lo helo warbixin guud oo dhamaystiran.

Xogta Guud ee Jaamacadaha.

Tirsi Macag Tiro
1. Jaamacad University 17
2. Kulliyada Jaamacad  ( University College ) 11
3. Kulliyad ( College ) 1
4. Dib u Qiimayn ( Re-Assessment ) 3

Fiiro Gaara: Tiro kooban oo ka mida Goobaha Waxbarashada Sare ayaa ka maqan liiska la qiimeeyey noona qorshaysan in mar kale la tago.

Xogta Guud ee Ardayda.

No Gobolka Diwaangelinta   Wadarta
    Lab Dhedig  
1. Maroodi Jeex 11798 9872 21670
2. Saaxil 731 388 1119
3. Awdal 5009 3618 8627
4. Togdheer 2916 2108 5024
5. Sanaag 605 582 1187
6. Sool 932 970 1902
  Wadarta 21991 17538 39529

 

Wasiirka Caafimaadka JSL

Wasiirku waxa uu  ugu horaynba uga mahad naqay yeedhmada Guddidu ugu yeedhay waxanu ka waramay in Wasaaradda Caafimaadku ay ka mid tahay Wasaaradaha Adeegyada Bulshada bixiya  waxaanay ku jirta Wasaarada labaad oo waxa ka horeeya oo kaliya  W.waxbarashada.

Wasiirka waxa warbixintiisa ku jirtay in Wasaaraddu (300) saddex boqol oo Goobo Caafimaad ay ka hawl gasho waxa kale oo iyana jirta xarumo Caafimaad kaalmadda ka hela hay`adaha dibadda, waxa kale oo jira goobaha MCH  ah oo ka shaqeeya hooyada iyo dhalaanka waxa kale oo uu sheegay in qalabkii iyo dhakhaatiirtii dibada loo diri jiray in halkan maanta lagu baadho , waxa kale  oo uu sheegay in 15 xarumood oo (ICU) ah oo shaqeynaya oo qalabkii oo dhami u dhanyahay, waxa kale oo isna warbixinta wasiirka kabayay Agaasimaha Guud waxaanu sheegay Agaasimuhu in Wasaaradu ka hawlgasho 260 xarumood iyo 170  kale oo iyana waxaa jira goobo kale oo  caafiaad waxa kale oo uu intaa raaciyey 35 cisbitaal oo dalka ah, waxaana  ka hawl gala shaqaale tiradoodu dhantahay 390 qof, waxa kale oo warbixinta agaasimaha ku jirtay in iyana shaaqale aan joogto ahayn oo tiradoodu dhan tahay 1500 oo shaqaale ah oo aan bayroolka ku jirin ay ka hawl galaan Wasaaradda isaga oo ku sababeeyey inay siyaasada caafimaad ee JSL  ay tahay in goobkasta oo 50 qof ka badani dagan yihiin ay helaan adeeg caafimaad, balse waxay masuulinyiinta Wasaaradu sheegeen in  la gaadhsiiyey meelkasta goobaha MCH ah daryeelka hooyada iyo dhalaanka, mar la waydiiyey in cisbitaalka hargeysi buuxo isla markaasina inay melo kale diyaariyeen iyo in kale, waxay sheegeen masuuliyiintu markay ka jawaabayeen suaalahaasi, inay diyaariyeen goobo ama cusbitaalo ay ka mid yihiin mid laga dhisay shulaac area oo la dhameeyay & cusbitaalka daryeel ee  dablataagay oo shaqeeya  hadda iyo mid dhanka masalaha ah, waxa kale oo la waydiiyay in dalku u baahan yahay dhakhaatiir muwaadiniin ah oo dalkooda iyo dadkooda wax u qabta sidaasi darteedna si loo helo dadkaasi tayadooda leh ma la xidhiidheen Jaamacadaha dalka iyo komishanka Tacliinta Sare, waxaana kaga jawaabeen in kuliyadaha caafimaadka ee dalka dib loo eegayo, hadii ay tahay dhanka tacliinta, tayada kuliyada ( agabka ay ku shaqayso ) oo ugu mudan yahay laabka  iyo macalimiinta wax ka dhigtaba.

Warbixinta Gudoomiyaha Banka  Dhexe JSL

Ugu horaynba waxa gudoomiyuhu ka mahad naqay yeedhmada ay guddida joogtaddu ugu yeedhay intaasi ka dib waxa uu guddoomiyuhu warbixintiisa ku sheegay  in xilka & waajibaadka uu Baanku Qaranka u hayaa ay ka mid tahay ruqsad bixinta furista  Baananka gaarka loo leeyay hadii ay tahay baanan maxalli ah iyo kuwo ajaanib ah. Waxa kale oo uu u xilsaaran yahay xasilinta iyo ilaalinta Shilinka JSL isaga oo sheegay inay lacagteenu tahay lacgta Geeska Africa ugu dagan, Guddoomiyaha Baanka Dhexe isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Baanka Dhexe isaga qiimaha sarifka gooya (jara) isaga oo tilmaamay in aroortii markay tahay todobada subaxnimo ay Baanka soo galiyaan warbixinta qiimaha sarifka .

waxa kale oo uu sheegay inay sameeyaan urur ay ku midoobeen sariflayaasha dalku isla markaana lagu ilaaliyo kor-u-kaca Sarifka, waxa kale oo Baanka Dhexe JSL ilaaliyaa inaanay lacagta (Shilinka ) Soomaaliland ku badan suuqyada dalka, waxa kale oo uu Baanku isaga oo kaashanaya Wasaaradda Maaliyadda & Xisaabiyaha Guud  kawada shaqeeyaan inaan la isticmaalin lacag ka badan dakhliga maalin laha ah, waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay inuu ugu yimid 4 Bank oo maxali ah waxa kale oo uu sheegay laba Bank oo kale iyana dhawaan la furi dono, haddii Alla yidhaa waxa kale oo Baanka Dhexe sameeyay oo horumarka Baanku sameeyay ka mid ah inuu xidhiidh la sameeyay baanan caalami ah kana furtay akonyo ( sanduuq ) labadaasi baan oo kala fadhiya Ethiopia & Djabuuti waxa kale oo iyana wax qabadka Baanka Dhexe ka mid ah inu xarunta dhexe iyo laamaha waawaynba dib u dhisid casri ah ku sameeyay, waxa kale oo Guddoomiyuhu sheegay in iyana gacanta lagu hayo laba xarumood oo muhiim ah kuna kala yaala Laas-caanood iyo Saylac, Dhinaca shaqaalaha wuxuu sheegay inay shaqaalaha maanta joogaa ay aqoon fiican u leeyihiin hawsha ay hayaan ee systemka Baanka Guddoomiyuhu markii uu ka hadlayay dhinaca shuruucda Baanka wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan xeerar muhiim ah waxaana ka mid ah Xeerka Islaamiga ah, Xeerka maydhidda lacagaha, Xeerka Xaraashka  daymaha, Gaba-gabadiina  waxaa tallo soo-jeedin & suaalaba laga waydiiyay arimo ku saabsan shaqada uu qaranka u hayo  Baanka Dhexe JSL.

Wasiirka Diinta   & Awqaafta  JSL

Ugu horreynba waxa uu wasiirku ka mahad celiyay  yeedhintaanka    ay guddida joogtaddu ugu yeedhay:-

Wasiirku wuxuu sheegay in xilka & Waajibaadka Wasaaraddu ay tahay, Ilaalinta iyo ku dhaqanka  Islaamka, Isagoo sheegey in Wasaaradu ka koobantey (10) waaxood, oo kala ah Waaxda Maamulka, Waaxda Shaqaalaha, Waaxda IT.GA, Waxaad Awqaafta , Waaxda Fatwada , Samo-fallka  iyo Sakadda, Waaxda Xajka iyo Cumradda,

Waxayaabaha u qabsoomey, wuxuu ku tilmaamey (1) Xeerka Sakadda iyo Diwaanka Awqaafta, waxa kale oo ay iyana wadaan Wasaarad ahaan Wax-ka-badalka iyo kaabista Manhajka Waxbarashada Madaarista .

Waxa kale oo uu sheegey in shaqaalaha  Wasaaradana dib habeyn lagu sameeyey, isaga oo sheegey in dhamaan shaqaalaha Wasaaradu  ka kooban yahay 220 Qof, waxa kale oo jira maclimiinta madarasadaha  Dalka oo dhan inay ka koobanyiin 7430 macalin .

Waxa kale oo uu sheegey Wasiirku inay hoos  yimaadaan Masaajidada Dalku  tirradooduna ay dhan tahey ilaa 2000 masjid, oo u baahan in Iimaamadda & Mu-adiniinta ay Wasaaraddu gacanta ku hayso ,Waxaanu ka codsaday inay wax kala qabtaan dhinaca miisaaniyada.

Mar laweydiiyey Wasiirka, suuqii gubtey ee waaheen oo uu Gudoomiye u ahaa Guddida inuu ka warbixiyo,

Wasiirku markuu ka warbixinayey Arintaasi  wuxuu sheegey, in lacagta sanduuqa ay hayeen ee xukuumiga ahi ay dhameyd lacag dhan 21,834,000$ oo Dollar , wixii lacag ah ee ay bixeyeena ay dhan tahay 9,753,750 Dollar. Isaga oo sheegay dadka wax lasiiyey tiradooduna ay dhan tahey 2,901 Qof laba kun sagaal boqol & hal qof, waxaa kale oo uu sheegay in dadkii halkaasi lahaa waxba nagamay soo gaadhin ay hadhsanyiin (200) oo qof oo la hubsanayo, isaga oo sheegay in dadkaasi waxa dib u dhigey uu yahay waxaa  isyeelan  waayey magacoodii & magaca Zaadka ay siteen, Wasiirku markuu ka hadlaayey dhinaca dhismayaashii wuxuu sheegay in guryihii dawlada hoose  la dumiyey loona dhiibey gudidda Qandaraaska Qaranka waxa kale oo uu Wasiirku ka Hadley guryihii gaarka loo lahaa ee ku wax-yeeloobay halkaasi in iyana la kala saarayo dibna loo qiimaynayo waxaa kale oo uu Wasiiirku sheegay in sanduuqa ay xisaaabtiiisa ay hayeen gudiddu ay u gudbiyeen xisaabiyaha guud si loohelo xisaab celin cad

Waxaa kale oo Wasiirku warbixintiisa ku soo qaaday socdaal uu ku tagay gobolka salal magaalada saylac, u jeedadiisuna daaranayd sidii wax looga qaban lahaa masaajidka tariikhiga ah laguna magacaabo ( masjidul qiblatayn) isaga oo sheeegay hadhaagii masjidkaasi in isaga iyo dadka deegaanka ahi isla qateen in la daryeelo lana ilaaliyo inta xukuumad ahaan la dhisaayo

Waxa kale oo iyana ka war bixiyey laba qolo oo ( Foolan-teri ) bilaa mushahar ahi ay lashaqeeyaan  Wasaarada diinta &  Awqaafta , kuwaasi oo kala ah , (Guddidda wanaag farista iyo xumaan reebis ) iyo ururka wecyigalinta iyo dabar Goynta mukhaadaraadka . Kuwaasi oo uu wax-qabadkooda warbixin ka siiyay Guddida joogtadda .

Gaba-gabaddiina waxaa la waydiiyay suaalo kaas oo uu dhamaantod ka jawaabay.

Wasiirka Tamarta & Mactanta.

Ugu horraynba waxa uu wasiirku sheegay in wasaaraddu ay ka kooban tahay (5 waaxood) oo waawayn, kusaadi oo kala ah Waaxda Tamarta, Waaxda Macdanta,Waaxda shidaalka iyo maamulka, sidoo kale wuxuu sheegay wasiirku inay wadaan Dajinta Siyaasaddii  lagu maamuli lahaa khayraadka dabiiciga ah, waxa kale uu yidhi markuu ka hadlayey macdanta waxaa loo baahan yahay saamaynta baadhitaan  dhab ah oo dhinacyo badan leh sida nooceeda inay ganacsi geli karto & in kale, waxa kale oo uu sheegay in meelo badan baadhitaan ka socdo, balse waxa uu wasiirku sheegay inaanu haynin wali wax natiijo ah ama rajo la qabo .

Xidid madow oo dahaba ayaa la baadhayaa waxaanu ka dayrinayey in dadkeenii la qiimeejiyey (la-hunguri geliyey) sidaasi darteedna buurkasta waa la dulfuushan yahay, waxa kale oo iyana baadhitaankii shirkadaha waxaa dib u dhigay xayiraadii karoonaha oo wax walba joojieyey, balse waxa uu shegay inta aynu xidhiidhka la leenahay Taiwan way soo dhiiradeen.

Wasiirku marka uu ka hadlayay shirkadaha inoo yimaada wuxuu sheegay inay D.PWold kaw ka tahay ,

Tamarta

Wasiirku marka uu ka hadaleyey dhinaca Tamarta, waxa uu  carrabka ku adkeeyey in haddii aan la helin Tamar waarta  oo awood leh inaan horumar la gaaadhayn waxaa loo baahanyahay   in shirkadaheena gaarka loo lee yahay ay maanta dhaafaan aqaladii ay shidi jireen awoodana la saaro sidii loo horumarin lahaa haddii ay tahay qoraxda( Cadceeda) iyo dabayshaba , waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay shuruucdii lagu hagi lahaa shirkadaha gaarka loo leeyahay isagoo xusay inaynu qaadanay nidaamka suuqa xorta ah, balse loo baahan yahay wax qabta (xameeya) .

Gaba-gabadiina waxa la waydiiyey su`aalo la xidhiidha shaqada uu qaranka uu hayo isaga oo dhamaantoodna ka jawaabay.

Warbixinta Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Deegaanka. 

Warbixnta Wasiirka Deegaanka & Isbelka Cimilada Mahad-naq ka dib waxa uu wasiirku sheegay qaab dhismeedka wasaaradda deegaanka iyo isbelka cimilada oo ka kooban Toban ( 10) Waaxood mid waliba gaarkeeda Hawsheeda u madax baan tahay  waaxa kala ah:-

  • Dhirta & Daaqa.
  • Duur-joogta.
  • Degaanka Badda.

Waaxda Fayo dhawrka iyo magaalooyinka

Waxaadani waxay sheegtay inay hawlaha ay wasaardda ay u igmatay  ay gudatay waajibaadka wax qabadeed ee ay ku talaabsaday ay kamid yihiin .

Waxay waaxdu dhamays-tirtay heshiis wax lagaga qabanayo sidii xal waara loogu heli lahaa qashinka magaalooyinka, waxaanay la gashay UNHAbitat. Oo ka caawin doonta wasaaradda maaraynta qashinka, April 2022, waxa kale oo ay wasiirku sheegtay, siyaasadda maaraynta qashinku waxa loogu tala galay meel- marinta habsami u socodka qashinka, taasi oo taageeri doonta dawlada hoose sidii ay wax uga qaban lahaayeen fayo-dhawrka magaalooyinka.

 

 

2) Waaxda Dhiraynta & Daaqa

Waxay  sheegtay in waaxdani ay waajibaad-keedu yahay dhiraynta dhulka iyo magaalooyinka , waxa kale oo u hirgashay ama ay fuliyeen in beeralayda yar yar la siiyo dhir ku haboon hadba deegaanka ay joogaan  oo calafka xoolaha ah.

Waxa kale oo ay iyana habkaasi ku faa`iidaysta xoola dhaqatada haysta dhul ay ku  beertaan calafka xoolaha, waxa kale oo warbixinta wasiirka ku jirtay in waaxdani hawlaha ay qabatay kamid ahaayeen :-

Mashruuca seero-xiliyeedka waxaana mashruucan loogu talagalay nasinta dhulka daaqsimeedka ah, si kor loogu qaado helintaanka calafka xoolaha xiliyada jiilaalkii ama abaaruhuba dhacaan

Hirgelinta mashruuca xarumaha lagu tarmiyo dhirta, si loo helo dhir badan oo filnaata miiyi iyo magaalaba ayaa loo sameeyey xarumahan waxaana laga sameeyey Gobolada dalka oo dhan waxaana shaqeeya xarumaha  Hargeysa, Barbara, Gabiley, Burco, Laas-caanood, Ceerigaabo iyo Ood weyne .

Waxa kale oo ay warbixintu sheegtay in xarunta hargeysi soo saartay 247000 geed, Xarunta Burco 28000geed, waxay Wasaaradu ku hawlantahay sidii wax looga qaban lahaa arrinta dhuxulaysiga,waxaana warbixinta ku xusnaa Degmooyinka aadka looga shido dhuxusha kuwaasi oo kala ah:- Laas ciidle,Gar adag, Ceel-Afweyn, iyo  Fiqi ayuub  .

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay xaalada duur joogta iyada oo ay abaaro  badan ay dhaceen isla markaana ay dad muwaadiniin ah si kootara baan ah ay u guraan duur joogta   wasaaradu waxay qaaday ilaa 10 hawlo iyada oo lagu soo qabtay kala duwan oo ay kamid yihiin 54 Harimacada, 52 Caasho badhiya,2 xabo Galaydha  iyo qaar kale, waxa kale oo wasiirka warbixnteeda ku jiray habka lagu joojin karo shidida dhirta ee tahay sida loo heli lahaa Gaas Jaban in cashuur dhaaf badan loo sameeyo waxay tidhi si aan kala Go` u iman shirkadaha keena lagu war geliyo in lixdii biloodba ay mar keenaan si aan loo waayin.

Gaba-gabdiina waxa la waydiiyey su`aalo ku saabsan shaqada ay qaranka u hayso iyada oo ay su`aala haasi dhamaantood ka jawaabtay.

Wakaalada Biyaha Barbara:-

Maareeyuhu ugu horayan waxa uu ka mahad naqanay socdaalka  ay gudida joogtadu ku timi magaalada Barbara, isga oo sheegay inay wanaagsantahay inaad nala aragtaan xaladaayada oo aad xogaal u noqotaan gaar ahaan xalada biyaha Barbara, mareeyihu wuxuu shegay ina marka uu la wareegay wakalada dayn badan lagu lahaa isla markaasina aanay wax shidaal ah haysan 1litir ilaahay mahadi halkii aan ka soo qaadanay iyo halka aanu maanta marayno waxa u dhaxeeya farqi wayn.

Wax-qabadka :-  mareeyuhu wuxuu sheegay dhinaca dhismaha xarunta wakaalada biyaha Barbara oo dib loodhisay waxa kale uu sheegay in beebkii hore oo ka samaysnaa sibidh la badalay kadib markii xaga caafimaadka loga dayriyay waxa kale uu sheegay ilaa inayn afar ceel ay qodeen, waxa kale iyana ay badaleen mishinadi iyo daynabooyin kii waxa kale uu sheegay in magaaladu aad u furmayso si markaana aanay biyahu aanay wada gaadhayn waxa kale oo dheer inay jiranmeelo badan oo halbow leh ah oo iyana u baahan biyo badan, sida dakada, Haamaha, free sonka, hangarada  iyo sharaa iga imaan waxa kale uu sheegay in magaaladu aanay hal daqiiqo biyo la aan Karin waliba xiliyada xagaaga mareeyihu wuxuu sheegay in aan wakaalada wasx lacag ah aanay ka qadin iskuulada masaajidada iyo waliba waraabinta dhirta magaalada dhexdeda ah waxaanu xusay in wakaalada ay daynbadan kagaga maqantahay hayada ha dawlada dayntaasi oo uu ku qiyaasay 1.5 milon iyo milyan iyo badh. Waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha wakaalada ay 24 hoyrs ay heegan yihiin, isla markaasna biyhaha 24 sacadoodna waa laso bamgareeya. Shaqaalahaasina waxaanu siinaa gunooyin gabagabdiina su’aalo ayaa laga waydiiyay ku saabsan shaqada uu qaran ka u hayo .

Warshada laydhka:-

Masuuliyiinta ugu horaynba waxay ka mahad naqeen xogogaal noqoshada xalada tamarta Barbara waxaanay sheegeen inay tahay meel xaasaasi ah isla markaasna hawlo bdan ay ka socdaan sida darteedna waxa loo bahan yahay laydh jaban oo aan kala go’ ayn  (  joogto ah) waliba xiliga xagaaga waayo xafiis lama fadhiyi karo hadii aan la helin tamartaas jaban waxaanay sheegeen xaaladaas Barbara ka duwan tahay gobalada kale, duruufta ku xeeran owgeed in si dhow loo eego loona tixgalyo duruuftaa adag waxa kale ay sheegeen xaalada sixir bararka caalamiga ahi, qiimaha laydhku waxa uu ahaa  0.3 maantana waxaanu ka dhignay  0.39  iyga oo sheegay in hargesa uu yahay qiimaha laydh markii hore 0.6 maantana laga dhigay 0.79 iyaga oo in wax lagu wada isticmaalaayo, waa isla mid xaga material ka waxaanay yidhaah deen hargeysa waa lagu noolaan karaa laydh la aan lakin Barbara laguma noolaan karo mar la waydiiyay in dowlada hoose ee Barbara wax kaab ah ay siiyaan wuxuu sheegay sheegay in bishii ay siiyaan 45 foosto waxa kale la waydiiyay in ay midowga yurub wax ka helaan iyo kale , waxaanu sheegay in qadar yar oo lagu qiyaasayo 1000kw.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil.

Waxa uu Gudoomiyuhu ugu horaynba Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtidda uga mahad-naqay inay xog-ogaal unoqosho maanta ay ugu yimaadeen ay Gobolka wax wayn u tari doonto, isaga oo sheegay inay Gobolka abaar ba`ani ka jirto, isaga oo sheegay inay meelihii saracu ka bixi jiray sida: bixin, abdaal iyo laaso dacawo, aanu jirin.

Waxa kale oo uu sheegay in saracii iyo xoolihii noolaaba uu cudur ku jiro. Dhanka kale, waxa uu sheegay inay dhamaan Doox-yadii Gudheen oo ay kasoo yeedhayso qaylo-dhaan, sidoo kale, waxa uu Xusay in roobabka ka da`ay Galbeedka Gobolka aanay xiligan oo xagaa ah waxba soo-saarin kulaylka awgeed. Waxa kale oo iyana sheegay in magaalada Barbarana ay ceelashii biyo yareeyeen oo la maaxinaayo, labadii cishaba ay xaafadi cabto biyaha.

Nabad-galyada.

Guddoomiyuhu markuu ka hadlayay dhinaca nabad-galyada, waxuu sheegay in Gobolku yahay meel mashaariic badani ka socoto, isla markaana xaas-xaasiya, waayo weelkaa bada ku jiraa hadii ay wax yari dhacaan way dhaqaaqayaan  ( tagayaan), madaxdayada Gobolkuna waxaanu isla kaashanaa sidii ay Gobolka ugu jiri lahaa xaalad degan oo nabad-galyo ah. Sidoo kalena, waxa uu sheegay inay Barbari tahay Hungurigii Dalka, sidaas tarteedna lagu dedaalo xasiloonideeda, isaga oo sheegay inay jiraan meelo ay waxka jiraan, meelahaasi oo kala ah:—

Golaha Deegaanka ayaa is yidhi wado la maro ka sameeya, halkaasna waxa ka dhashay Buuq & shaqaaqo, waananu joojinay, waxa kale oo meeshaasi ka dhacay iska hor-imaad dhimasho sababay oo ay ku dhinteen shan qof (5), beelaha dhibaatadaasi dhex martayna waa: Axmed Faarax (biniin) iyo Reer yoonis, waana lagu kala maqan yahay Tuuladaasi.

Gaba-gabadiina, waxa uu Guddoomiyuhu, Gudiida & Golahaba ka codsaday in dirirtaas taagantahay oo ay waxka qabasho ubaahantahay, Arrintaasi waxay sugaysaa Golaha Guurtiida, igana Gaadhsiiya Golaha Guurtidda.

Maareeyaha Dekada Barbara.

Ugu horaynba waxa uu maareeyuhu sheegay in 30 kii sanno ee ay Somaliland jirtay aanay Dekada waxba u kordhin, Guud ahaana wax Gaadiid ah ama waxa looyaqaano Taagaaga “4 ta tag” oo lagu kala magacaabo:

  1. Saaxil oo loosoo iibiyay sanadkiii 1978 kii
  2. Garoonta Cigaal oo loosoo iibiyay 2018 kii
  3. Sanaag oo loo soo iibiyay——-
  4. Maroodi-jeed oo isna la keenay 2020 kii

Intaas kadib, waxay Guddidu kor-meer ku martay Dekada qaybaheeda kala duwan, waxa halka ay wax marayaan Guddida u sharaxay masuulka labaad ee Shirkada DPW.

waxaanu ugu horaynba masuulku sheegay in qaybtii hore ee Dekada ay  afar boqol oo mitir (400 mitir) dhamaadeen, waxa kale oo iyana lawadaa sadex boqol oo mitir (300 mitir) oo lagu kordhiyay barxada way nee qaybta koontiinarada la dhigo ah. waxa kale oo ay Dekada cusubi wadaa, qalab cusub oo casri ah saida; wiishash kala duwan oo laba qaybood ah, dhanka kale waxa lagusoo kordhiyay qalabka lagula socdo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta Dunida dacaladeeda kala duwan, waxana laga hagaa  dalka Jarmalka, sidoo kalana waxa iyana la dhisay xarunta  Guud ee shaqada Dekada oo dhan, taasi oo lagu magacaabo: “one stop service Center”. Masuulku waxa kale oo uu sheegay inay doonayaan inay Dekadani noqoto mida Afrika ugu balaadhan uguna Casrisan Hadii Alle Qadaro.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in markii ayku taba-bareen qalabkan cusub in imika dhamaan ay wadaan shaqaale somaliland ahi, sidoo kale waxa uu xusay, in Gobolkan ayka taageereen dhinaca kaabayaasha Bulshada sida : biyaha, iskuulada iyo dhinaca Goobaha Caafimaadka (Cisbitaalada).

Gababa-gabadiina, waxa uu sheegay inay muddo dhaw Dekaduna Camirmayso

 Maareeyaha Haamaha Shidaalka

Maareeyuhu wuxuu sheegay in haamaha marki ugu horeysay la dhisay 1940kii, berigaa hore waxa la dhisay

  • ingiriisku 5 haamood
  • Ruushku 10 Haamood
  • Maraykanku 3 haamood

Maareeyuhu wuxuu sheegay  In dhulkii haamaha shidaalku, lahaa  dad shicib ah aynay gacanta u galay waxaanu ka dayriyey in halis badan ugu sugan tahay haamaha.

Maareeyuhu wuxuu guddida ka codsaday in gole weyaha gaadhsiiyaan wixii ay indhahooda ku arkeen,isga oo uu jeeda khatarta ay ku sugan yihiin haamuhu, isga oo sheegay  in ay tahay meel xasaasi ah oo u baahan in qaranku xil- weyn iska saaro bad –qabkoodda.

Waxaanu xusay in qiimaha haamaha meesha yaala uu noqonayo 32 milyan oo dollar, maareeyuhu marku ka hadlaayey shaaqlaha wuxuu sheegay  in dibu habayn ay ku samayeen qaab-dhismeedka habka ay uu shaqaynayaan loona kordhiyey Gunnooyinkii,isga oo xusay in qaacaha badarol ka soo baxaya uu yahay mid caafimaad ahaan aan u wanaagsanyan dadka islamarkaan loo baahan yahay inuu  caano gaadhayay 1.5(HAL LITIR & BADH) isga oo sheegay in imka ay siiyaan shaqaalaha.

Waxa kale uu maareeyuhu sheegay in dhinac dhismaha ay dhiseen xarunta,waxa kale oo iyana la dhisay guryo ay shaaqaaluhu leeyihiin.

Marku ka hadlayey dhinaca gadiidka iney soo iibiyeen Gaadiidkii Dab-damiska, oo casri ah waxa kale oo uu maareeyuhu sheegey inay dhiseen laba barkadood oo biya ah looguna keydiyo, hadii dab ka kaco , biyah a ka qaataan , waxaanu xusey in maalin magaaladda dab ka dhashey (ka kacey) ay u gurmadeen isla markaan muddo yar ay ku bakhtiyeen.

Maareeyuhu waxa kale uu kadayriyey Beebkii Aribot tagaayey oo dherarkiisu dhamaa 3.5KM , dhamantii la dul-dagey oo guryo laga dul dhisey , waxaanu wadnaa sidii loo rari lahaa , waayo dadkaasi iyagaa khatar ku sugan .

Mar la weydiiyey in shirkada la siiyey Haamaha r, Taraafa Guur aaney wali sharcigii heshiisku dhanyahey iyo inkale ,wuxuu sheegey Maareeyuhu in heshiiskaasi dhameyn , markuu dhamaadan la hor geyn doono golayaasha , Gabagabadiina wuxuu maareeyuhu sheegey inay sameeyeen laab  lagu baadho baterolka , waxa oo u sheegey in dhawaan ay  sameynayaan ,warshad Rifanari ah,  oo batarolka lagu kala saaro , isagoo xusey in marka ay dhamaato dalka la keeni doono batrolka qeydhiin halkana lagu kala sifeyn doono , Gabagabadiina wuxuu sheegey in ay hada wadaaan xeerkii wakaaladda batrolka .

Iyada oo lakeeni doono Paralamanka hadii Alle  yidhaa.

Warabixinta isku Duwaha Caafimaadka  Gobalka Saaxil

Isku duwaha caafimaadka wuxuu ugu horaynaba uga mahad naqay kormeerka ay gudidda joogtadu ugu timid inay ogaato xaalada caafimaad ee gabalka, intaasi kadib waxa uu sheegay in gobalku uu shanta(5) gabal xuduud la leeyahay isla markaana ay adkaan karto adeeg ku oo wada gaadha, inuunu bixin Karin awood ahan inta ay gaadhsiisantahay

Dhismaha cisbitaalkan waxa la dhisay sanadkii 1937, waxaanu sheegay in dhismeyaal lagu kordhiyay, waxa kale uu sheegay in barigii hore ay Ha’yado caganta ku hayeen lakiin imika waxa uu ka tirsanyahay qaranka.

Marka uu ka hadlaayay dhinaca shaqaalaha waxa uu sheegay inay joogaan ilaa 600 oo qof, balse waxa bayroolka ku jira 247 shaqaale, waxaanu sheegay in inta kale ay siiyaan gunooyin, marka uu ka hadlaayay dhinaca qalabaynta wuxuu shegay cisbitaalka Barbara uu dhamaan adeegyada uu bixiyaa ay tahay bilaaash marka laga reebo qaliinka culus oo wax yar la jaajgareeyo waxaanu isku duwuhu sheegay in dhibaatada ugu wayn ka haysato dhinaca shilalka waayo waxaanu yidhi labada wado ee hargeysa iyo burco ay yihiin kuwa ugu shilalka badan.

Isku duwuhu markuu ka hadlaayay meelaha ay wax ka qabteen wuxuu sheegay cisbitaalka sheikh in shaqalaha jooga ay yihiin 80 qof waxa kale oo loo iibiyay labada anbalaas waxa kale oo meelo caafimaad loo dhisay waxana ka mid ah laas-ciidle iyo go`da wayn. Sidoo kalena iyna waxa loo qabtay bula xaar,abdaal, wxakale  oo iyna  wax loo qabtay cisbitaalka dhimirka oo uu sheegay in meelha xeebaha ahi ay ku badan yihiin xanuunada waalidu

Waxaanu xusay dhinaca raashinka oo ay ka faalo qaadeen muwadiniinta ganacsatada ahi

 

Gabogabdiina waxa uu xusay inay gobalka ka dhacaan xanuuno gaar ah sida kaneecada, oo aan ahayn xanuunki duumada.

Talo Soo-jeedinta Guddida.

  1. Nabad-gelyada& Horumarinteeda.

Dabku waa aafo wax baabi`iya sidaasi daraadeedna waa ina haamaha kaydka shidaalka ee berbera oo xuduudii dawladihii hore u dhigeen lagu xad gudbay oo la dagay, hadaba waxaa xukuumadda waajib ku ah sidii loo sugi lahaa bad-qabka weelkaasi ( Haamaha ) lana kala fogeeyo Gaasta iyo S      hidaalka.

  1. Biyaha.

Biyuhu waa Nolosha Noolaha oo dhan sidaasi darteed waxaa waajib inagu ah Masuuliyiin iyo Muwaadiniinta kalaba inaynu u tafa xaydano sidii loo heli lahaa biyo la cabo oo nadiif ah iuyo kuwo wax lagu beertaba, lana sameeyo B\arkadaha Majroorada Barkadaha dhulka Dhaamam, io Biyo xidhoonaba.

  1. Waxbarashada.

Waa in la xaqiijiyaa dhamaan ubadku inay dhamaystaan Waxbarashada Aaasaasiga ah iyo ta Dugsiga Sareba oo tayaysan, taasi oo horsed ka noqon doonta Horumar waxbarasho oo waara.

  1. Dhaqaalaha.

Waa in la kordhiyaa helitaanka warshadaha yaryar isla markaana la dhiiri galiyaa sidii muwaadiniintu u keen laaheen Warshadahaasi si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, sidoo kala waa in la meel marriyaa siyaasad cad oo xoojinaysa dalxiis qiimo leh oo ka qayb qaata koboca iyo koritaanka dhaqaalaha dalka, waxaa kale oo loo baahan yahay in helo siyaasad cad oo wax ku ool oo lagu dhiiri galiyo kala duwida warshadaha iyo waxyaabaha badeecada qiimo u yeela.

  1. Caafimaadka.

Waa in la horumariyaa cusbitaalada lixda gobo lee dalka isla markaana la shaqaalaysiiyaa shaqaalaha buux dhaafiyay Cusbitaaladaasi iyada oo la marinaayo sifo sharci ah.

  1. Taawarada.

Waa in laga fogeeyaa Taawarada sgaadhsiinta Meelaha Dadku Magaalooyinka ah ee dadku degan yahay.

 

Allaa  Mahad  Leh

Dayib Xasan Axmed                               Cumar Maxamed Faarax

Guddoomiyaha Gudida Joogtada ah    Xoghayaha Gudida Joogtada ah

 

Leave a Reply