Guddida Qandaraasyada oo go’aan ka soo saaray laba mashruuc lagu tartamay fulintooda

0
203

Hargeysa(Dawan):-Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa ku dhawaaqay go’aanka laba mashruuc dhaam-biyood oo laga kala qodayo degmooyinka Baligubadle iyo Xaaji Saalax Maalintii shalay.

 

Labadan Mashruuc oo laga maalgelinayo Miisaaniyadda Qaranka, waxa fulinaya Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Maxamed Cabdilaahi Guuleed, ayaa goobta shaacinta go’aanka kaga dhawaaqay labada shirkadood ee ku kala guulaystay labada mashruuc oo kala ah: Shirkadda Al-Nafoora oo ku guulaysatay dhismaha dhaamka Xaaji Saalax iyo Shirkadda Hawd Construction Company oo ku guulaysatay dhismaha dhaamka Baligubadle.

 

Guddoomiyaha ayaa hambalyeeyay shirkaddaha, waxaanu kula dardaarmay in masuuliyadda maanta fuushay ay uga soo baxaan sida ugu wanaagsan ee waafaqsan heshiisyada lala geli doonno.

 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku dheeraaday in mashaariicdan Biyaha ee Xukuumaddu ka wado deegaamada kala duwan ee dalka ay jawaab u yihiin abaaraha iyo biyo la’aanta aynnu la tacaaleynno muddooyinkii danbe.

 

Shirkaddaha guulaystay iyo kuwii laga guulaystay, ayaa iyana dhankooda u muujiyay, una rajeeyey wanaag walaalahooda calafka iyo guushu ku raacday.

 

 

 

Leave a Reply