Real Madrid oo la Qaban waayay Iyagoo Gaadhay Guushii 5-aad ee Xidhiidh ah

0
220

Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Real Mallorca oo marti u aheyd iyadoo gool lagaga hormaray ku bedelay afar gool xilli Vinicius Jr & Rodrygo ay guusha ku hogaamiyeen Los Blancos qeybtii labaad ee ciyaarta.
Guushan 4-1 ee ay gaadhay Los Blancos ayaa ka dhigan inay wada badiyeen dhamaan shantii kulan ee ay ciyaareen horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, iyagoo hogaanka ku haya 15 dhibcood, waxay laba dhibcood ka sarreeyaan Barcelona oo leh 13 dhibcood.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa isbedelo ku sameeyay shaxdiisa ka dib kulankii Celtic isagoo ku soo bilaabay markii ugu horreysay tan iyo bishii Janaayo Eden Hazard oo ka ciyaarayay booska 9ka beenta ah.
Kooxda martida aheyd ee Real Mallorca ayaa gool ku hormartay daqiiqadii 35aad, inkastoo Real Madrid ay koontarooleysay ciyaarta islamarkaana ay abuureysay fursado ay ku raadinayeen goolkoodii ugu horeeyay.
Kubad uu soo dhigay Lee ayaa waxaa madax ku dhaliyay Muriqi oo hogaanka u dhiibay Mallorca.
Daqiiqadii 44ad Vinicius ayaa u dhawaaday inuu u barbareeyay Real Madrid markii uu kubad halis aheyd ku sigay.
Daqiiqadii ku xigtay ka hor inta aan la aadin waqtiga nasashada Real Madrid ayaa heshay goolka barbaraha iyadoo kubad gantaal ah uu dhaliyay Federico Valverde. Waxaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.
Bilowgii qeybta labaad Vinicuis Jr ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Real Madrid iyadoo saacad markii ay socotay ciyaarta uu tababare Ancelotti bedelay Hazard kuna bedelay Modric, waxaa iyagana bedel ku soo galay Camavinga, Nacho iyo Carvajal.
Ugu danbeyn Vinicius JRZ ayaa hogaanka u dhiibay Los Blancos daqiiqadii 72aad ee ciyaarta. Rodrygo ayaa iska dhexmaray daafacyada Mallorca ka hor inta uusan baas fiican u dhigin Vini Jr kaasoo kubada ka dulqaaday Rajkovic shabaqana dhex dhigay.
Waa kulankii shanaad oo isku xigta uu shabaqa soo taabanayo weeraryahanka reer Brazil.
Daqiiqadii 89aad waxaa ciyaarta hurdo u diray Rodrygo oo kubad cajiib ah uu isagu ka soo shaqeeyay shabaqa ku hubsaday isagoo hogaanka Real Madrid ka dhigay 3-1.
Waqtigii dhimashada ciyaarta waxaa ciyaarta gool ku soo xiray daafaca Antonio Rudiger oo dhaliyay kubad uu ka helay Toni Kroos iyadoo Los Blancos ay ku badisay 4-1.
Waa goolkii ugu horeysay ee daafaca Rudiger uu u dhaliyo Real Madrid tan iyo markii uu xagaagii ka soo wareegay Chelsea.

 

Leave a Reply