Ma Sidan Baa u Dambaysay Cristiano Ronaldo

0
291

Ciyaartoyda Manchester United ayaa doonaya in la fadhiisiyo oo kursiga kaydka uu ku jiro xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaas oo ay u arkaan in haddii uu ciyaaro uu ku keenayo culays iyo mushkilad gudaha garoonka ah.

Manchester United ayaa guul-darraysatay laba ciyaarood oo uu kusoo bilowday Cristiano Ronaldo xilli ciyaareedkan, waxaanay ciyaartoydu usoo jeediyeen Erik ten Hag in aanu laacibka reer Portugal mar dambe kusoo bilaabin.

Qolka labbiska ayaa la sheegay in ay dhamaantood kasoo horjeedaan Ronaldo, waxaanay doonayaan in Marcus Rashford uu sii ahaado ciyaartoyga hoggaaminaya afkooda  hore ee weerarka, isla markaana ay garbihiisa ka ciyaaraan Jadon Sancho iyo Antony.

Cristiano Ronaldo oo doonayay in uu iskaga tago Manchester United xagaagii ayaa waxa ku dhegay Erik ten Hag oo diiday in la iibiyo amaba si kale loo fasaxo, waxaana uu ciyaarsiiyey kulankii Brentford oo afar gool laga dhaliyey, waxaana ugu xigtay Real Sociedad oo Khamiistii uu kusoo bilowday oo iyaduan 1-0 ku garaacday United iyadoo waliba joogtay Old Trafford.

Wargeyska The Sun oo soo xiganayay xogo Manchester United gudaheeda ah ayaa sheegay in ciyaartoydu ay kasoo horjeedaan xiddiga reer Portugal oo ay doonayaan in kaydka la dhigo, waxaanay rumaysan yihiin in aanu shaqada si aad ah uga qayb-qaadanayn, sidoo kalena ay dhamaantood culays dareemayaan marka uu laacibka reer Portugal ciyaarayo.

 

 

Leave a Reply