Barcelona oo Iibinaysa Afar Ciyaartoy oo ay0 Ku Jiro Frenkie De Jong

0
243

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dhamaystirtay 28 hawlgal oo ciyaartooyo imanaya iyo kuwo ka baxay Camp Nou bilihii ugu dambeeyey, waxaana la filayaa in arrintaasi sii socon doonto oo suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January isagana ay albaabka kabixi doonaan dersin kale oo ciyaartooyo ah.

Barcelona ayaa la sheegay in ay qorshaynayso in suuqa jiilaalka ee January oo ay saddex bilood ka hadhsan yihiin ay meesha ka saaraan dhawr ciyaartoy si ay iskaga fudaydiyaan culayska dhinaca mushaharka ah ee ay ku hayaan.

 

Xavi oo ay kooxdiisu diiwaangelisay dhamaan saxeexyadii ay sameeyeen xagaagan, kaddib qorsheyaal ay mushkiladda  dhaqaalaha ku xalliyeen Mateu Alameny iyo Joan Laporta, hase yeeshee wali fari kama qodna waxaanay  doonayaan in ay iska diraan afar ciyaartoy oo ah kuwa ugu mushaharka badan.

Labada difaac ee Gerard Pique iyo Jordi Alba ayaa la sheegay in Barcelona ay go’aamisay in bisha January ay iska dirto, maadaama aanay haysanin boosas ay ka ciyaaraan oo ay dersin ciyaartooyo ahi uga horreeyaan xulashada.

Waxa kale oo ay Barcelona iska diri doontaa Memphis Depay sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain iyo sidoo kale Frenkie de Jong oo in badan ay Barcelona isku dayday xagaagii in ay iibiso laakiin ku adkaystay in aanu ka baxayn Camp Nou.

Sababta ugu weyn ee ay Barcelona ciyaartoydan ugu qorshaysay inay iibiso bisha January ayaanay jabinin sharciga dhaqaale-wanaagga iyadoo UEFA ay bilowday baadhitaan ay ku samaynayso Barcelona iyo dhawr kooxood oo kale oo waaweyn.

 

 

Leave a Reply