Shirweynaha ururka Waaberi oo Hargeysa ka furmay

0
624

Hargeysa (Dawan) Ergada Shirweynaha kowaad ee Urur-siyaasaddeedka Waaberi, ayaa doortay xubnaha shirguddoonka shirweynaha Ururkaas.

Shirweynaha Ururka Waaberi oo ka furmay maanta Hargeysa, oo ay ka qayb galeen 273 ergo, waxa ay cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen Xubnaha shirguddoonka kuwaas oo ay u codeeyeen 268 ergo.

Guddoomiyaha shirguddoonka Maxamed Miige
Guddoomiye kuxigeenka kowaad Sucaad Axmed
Guddoomiye kuxigeenka labaad mowliid Muumin
Xoghaye Cabdi Khayre Dirir

Shirweynaha Ururka Waaberi waxa goob joogo ka ah Marti sharaf tiro badan oo isugu jira Xildhibaanno iyo madax kale.

Xubno ka socday Guddida diiwaan gelinta Ururrada siyaasadda ayaa iyagu goob joogo ka ah oo kormeeraya Habka uu u dhacayo Shirweynaha Waaberi.

Leave a Reply