Kooxda Ciidanka Asluubta oo Dhibcaha ka Qaadatay Waxool Horyaalka Caasimadda

0
378

Ciyaar ka mid ah horyaalka heerka koowaad ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa shalay ku dhexmartay labada kooxood ee Ciidanka Asluubta iyo kooxda Wasaaradda Xanaannada Xoolaha ee Waxool.

Ciyaartan oo ahayd mid xiise leh ayaa ku bilaabantay dardar horleh, waxaana daqiiqadihii ugu horeeyayba la dareemay awoodda kooxda Asluubta oo kubaddeedu u badnayd weerar.

Daqiiqadii 6aad ee qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxa shabaqa kooxda Waxool soo taabtay lambar sagaalka kooxda Ciidanka Asluunbta ee lagu magacaabo Yaasiin Bursade, waxaanu ciyaarta ka dhigay 1-0 ay hogaanka ku qabatay kooxda Ciidanka Asluubtu.

Xamaasaddii ciyaarta ayaa sii xoogaysatay, waxaanay kooxda Waxool samaysay isku dayo ay ku doonayso inay keento goolka barbardhaca ee lagaga naxsaday bilawga ciyaarta, balse umay suurogelin.

Daqiiqadii 21aad ee isla qaybtii hore ee ciyaarta ayaa kubad qurux badan oo uu lambar sagaalka kooxda Ciidanka Asluubta Yaasiin Bursade koonaha midiga uga soo dhiibay, isla markaana uu u soo dhigay badhtamaha delinta kooxda Waxool ayuu laacibka Khadar Islaam shabaqa ku hubsaday goolkii labaad, kaasoo ciyaarta ka dhigay 2-0 ay hogaanka kusii dheeraysatay kooxda Asluubtu.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 oo ay ku kala nasteen labada kooxood ee Ciidanka Asluubta iyo Waxool.

Isku soo laabashada qaybtii labaad ee ciyaarta ee dhexmaraysay kooxaha Ciidanka Asluubta iyo Waxool ayay kooxda Asluubtu sii wadatay dardartii ay ku bilaabatay qaybtii hore ee ciyaarta, waxaanay dhawr jeer ciyaaryahanada afka hore ee kooxda Asluubtu ay sigeen goolka kooxda Waxool.

Qaybtii dambe ee ciyaarta kooxda Waxool ayaa soo gelisay saddex ciyaaryahan oo ka ciyaara afka hore, kuwaasoo ciyaarta wax ka bedelay, waxaana laga dareemayay kubado badan oo ay ku hujuumeen goolka kooxda Asluubta, balse nasiib-darro aan dhalanin.

Daqiiqadii 86aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa gool aad u qurux badan oo ay kasoo shaqeeyeen weeraryahanada kooxda Waxool waxay ku hubsadeen goolka kooxda Ciidanka Asluubta, goolkaas oo uu u saxeexay laacibka Caadil Good oo lamabarka 11aad u sita kooxda Waxool, waxaanay ciyaartu noqotay laba gool oo ay Asluubtu leedahay iyo hal gool oo ay leeyihiin kooxda Waxool.

Ugu dambayn ciyaarta ayaa ku idlaatay 2-1 ay kooxda Ciidanka Asluubtu ku garaacday dhiggeeda kooxda Waxool.

Leave a Reply