Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha oo kulan la Qaatay Hay’adda Maamul Wanaagga

0
290

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha  Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shalay  kulan la qaatay masuuliyiinta Hay’adda Maamul Wanaaga,

kulankaas oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa waxa ay kaga wadahadleen Wasiirka arimaha gudaha  Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maamul Wanaaga Liibaan Ismaaciil Buraale wada shaqaynta iyo Dardar-gelinta nidaamka Maamulka Wanaaga ee (Good Governance).

Kulanka ayaa    lagu falanqeeyey sidii loo qaban lahaa   shir  dib loogu eegayo arimaha Maamul Wanaagga, oo ay ka soo qayb gelayaan Hay’addaha Dawladda ee ku jira Dallada ay ku midaysan yihiin hagayaasha maamul Wanaaga (Governance Sector), taasoo uu Guddoomiye ka yahay Wasiirka  Wasaaradda Arimaha Gudaha, halka Gudoomiyaha Hay’adda Maamul Wanaaga Liibaan Ismaaciil Buraale uu ka yahay Xoghayn.

Kulanka  Wasiirka waxaa ku wehelinayey Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, halka Masuuliyiinta Hay’adda Maamul Wanaaga Somaliland, uu hogaaminaya Guddoomiye Liibaan Ismaaciil Buraale.

Leave a Reply