Xisbiyadda Mucaaridku ha ka Tanaasulaan Jidka Qodaxda leh ee ay Qaadeen

0
232

Cumar Maxamed Faarax

Jamhuuriyadda Somaliland waa 31 jir, dawladnimadeeduna adkaatay oo ka gudubtay marxalad ay dabayluhu ruxi karaan Qarannimadeeda jiridaysatay ee innagu taagan  qiimaha adag iyo xinjirta geesiyo badan oo naftooda ku waayey sidii aynu  ugu naalloon lahayn qarannimada aynu haysanno.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku timid rabitaanka shacbiga,waxana lagu bineeyey dimuqraadiyadda iyo kala fikir duwanaanshaha siyaasiyiinta. Waxa kaloo dastuurka dalku dhigayaa inay Somaliland tahay qaran madax-bannaan oo uu ka jiro nidaamka axsaabta badan, si dadweynuhu ay gacmahooda ugu cugtaan madaxda hoggaaminaysa.

Sidaas darteed, Jamhuuriyadda Somaliland ma aha dal qof iyo cid gaar ahi xuurtaysan karto, hase ahaatee waxa waajib ah in cid kasta oo hunguraynaysa xilalka sare ee qaranku ay ku timaado cod, balse Dastuurku wuu innaga xarimay in sharciga gacanta lagu qaato.

Somaliland maanta waa  u waayo arag oo way  dhaaftay sabankii qarannimadeenna siyaasi xil doon ahi hagaasin lahaa.

Somaliland iyadoo korinaysa dimuqraadiyadda,  waxa sharcigu dhigayaa in tobankii sannadoodba hal mar la furo ururrada siyaasadda, si looga qaybgeliyo hoggaaminta  waddanka cid kasta oo doonaysa inay kaalin ka qaataan miidaanka siyaasadda. Waxa hadda dalka ka socda hayaankii labaad ee furista ururrada Siyaasadda, waxana la marayaa marxaladii lagu sii kala shaandheyn lahaa Ururrada siyaasadeed ee is diiwaangeliyey ee lagu wado inay galaan  doorashada tooska ah ee ururrada cusub iyo saddexda xisbi qaran ee wakhtigoodu dhammaanayo ku loolami doonaan. Waxa kaloo 13ka November  ee 2022ka qorshaysan doorashadii madaxtooyada, waxana soo horaynaysa doorashada ururrada, si saddexda xisbi ee soo baxaa ugu tartamaan doorashada madaxtooyada.

Xisbiyada mucaaridka ah oo liqi waayey  isbeddelka cusub ee sharcigu jideeyey, waxay muran geliyeen dalka lixdii bilood ee la soo dhaafay,iyagoo dhabarka u jeediyay  in khilaafka kala hor marinta doorashooyinka lagu kala baxo Hay’adaha Garsoorka dalka.

 

 

WADDANI iyo UCID waxay dalka ka dhigeen 11kii Bishii Ogos bannaan-bax khasaare dhaliyey oo ay ku dhinteen 7 qof, boqol kalena ku dhaawacmeen, taasi oo nusqaan ku ahayd amniga iyo wadajirka JSL ku caan-baxday.

Waxa ray’ul-caamka bulshadu la fajaceen in Guddoomiyaha xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe iyo Murrashaxa madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ay mar kale taageereyaashooda ugu baaqeen mudaharaadyadii la joojiyey, taasi oo ah fal lagu waxyeelaynayo Qarannimada iyo qadaf ay ka galayaan shuruucda dalka. Waxa kaloo la yaab leh in Guddoomiyaha UCID uu gaadhay heer uu ku dhawaaqo  inay ku riyoonayaan inay  samaynayaan dawlad sharci darro ah, haddii doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo.

Guddoomiyeyaasha Urur siyaasadeedyada HILAAC iyo WAABERI Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo ka soo jeeda deegaannada darafyada, ayaa dhawaaqyada xisbiyada mucaaridka ku tilmaamay hadimo waxyeelo u soo jiidi karta Somaliland, Waxaanay madaxda mucaaridka u soo jeediyeen inay joojiyaan kala qeybinta ummadda reer Somaliland.

Labada guddoomiye urur waxay sheegeen in JSL tahay dal la wada leeyahay, isla markaana muddo dheer ay daawanayeen iyadoo masraxa siyaasadda ay ku hirdamayaan saddex guddoomiye xisbi oo ka soo wada jeeda beesha dhexe, waxana ay ku doodeen inay diyaar u yihiin inay calafkooda ka qaadaan tartanka doorashada ururrada siyaasadda ee ay fursada u heleen.

Ugu dambeyn, shacabka JSL way ka ilbaxeen wakhtigii siyaasi kursi doon ahi durbaannada qabyaalada u garaaci jiray, waana in cid kasta oo wax tabanaysaa ay u marto cabashadeeda dariiq ku sallaysan  sharci iyo nabadgelyo. Waxaanan leeyahay “Somaliland ciddina ma waxyeeli kartee yaanay magac xumo idin raacin ee ka tanaasula jidka qodaxda leh ee aad cagta saarteen.”

 

Leave a Reply