Qisada Saboolka Qaniga Noqday!

0
288

 

Sheekooyinka dadka caanka ah ee ganacsatada iyo  maamulayaasha shirkadaha ah noqday, iyaga oo soo bandhigaya wadada iyo xirfadaha guushooda. Kuwaasi oo ay ku lamaan yihiin talooyinka ah “ Sidee ayaad ku noqon maalqabeen hal sano gudihii?”, iyo sida aad kor ugu qaadi karto xirfadaada ama aad fursad si fudud ugu helayso in aad  kobciso heerka noloshaada.

Waa xaqiiq Dadku inay bartaan in guushu ay tahay wax la gaadhi karo ka dib markaad akhrisato talooyinka qisaska guusha. Sheekooyinka la jecel yahay waa kuwo ay ku lamaan yihiin dhibaato iyo halgan wado dheer ah oo ay soo mareeen hogaamiyayaasha guulaystay ka hor inta anay ku raaxaysan midhaha guusha. Mid ka mid ah dadkaasi waa gabadha Sarah Breedlove  oo caan ku ahayd magaca Marwo C. J. Walker, oo ah milyaneerkii ugu horeeyay ee madow ee Maraykan ah iyo haweeneydii ugu horreysey ee iskeed iyadoon cidna gacan qaban lana taageerin noqotay maalqabeen hantiile can ah.

Sarah Breedlove  waxay ku dhalatay bishii December 23, 1867, meel u dhow Delta, Louisiana. Sarah waxay ka mid ahayd lix carruur ah oo walaalo ah oo ka soo jeeda qoys madow ah, waxaana ay ahayd ilmaha keliya ee u dhashay isagoo xor ah ka dib markii madaxweyinhii Maraykanka ee xiligaasi Abhrahm Lincolon uu sexeexay sharcigiii “Emancipation Proclamation” ee lagu joojiyay adoonsiga laguna xoreeyay kuwii hore adoomaha u ahaa. Hooyadeed waxay dhimatay sanadkii 1872  waxaana sabab u ahaa xanuunka daacuunka oo wakhtigaasi jiray.

Aabaheed iyo walaalada ka wayniba waxay adoon u ahaayeen una shaqayn jireen beer kuwa cudbiga ah oo uu lahaa ninka cadaanka ahaa  Mr.Madison Parish ee Robert W. Burney.  Aabaheed ayaa isna dhintay muddo yar ka dib. Saraha waxay noqotay agoon iyo rajo, wakhtigaasina Sarah iyadoo 10 jir waxaa loo diray inay la noolaato walaasheeda weyn, Louvinia, iyo seedigeed oo u guuray Mississippi 1877-kii.

Saraha wakhtigaasi waxay cudbiga ka guri jirtay beeraha iyadoo xaaladuna aad ugu adagtahay, waxaana si xun ual dhaqmi jiray seedigeed. Si ay uga badbaado xaaladdan adag ee aanay u adakaysan Karin, markay  14 jir gaadhay waxay guursatay nin lagu magacaabo Moses McWilliams waxaana ay dhashay gabadh la odhan jiray Ailila.

Markii ay ninkii kala tegeen iyadoo 20 jir ah, Saraha iyo inanteedu waxay u guureen St. Louis, waxaana  shaqo u ahayd dhar maydhidda iyadoo qaadan jirtay lacag dhan $ 1.50  (hal doller iyo badha) maalintii. Fiidkii, marka saacadaha shaqada ay dhamaadaan, Sarah waxbarasho ayay tegi jirtay iyadoo dugsi dhigan jirtay habeenkii. Waa arrin cad in nolosheedu aanay si fudud kor ugu kicin laakiin ay usoo martay dhibaato  dadaal ku lamaan yahay.

Sanadkii 1890 , Saraha waxa ku dhacay xanuun madax wareer weyn ah, kaasi oo sababay in timaha madaxeedu ay daataan, Waagaasi xanuunka timaha daata waxay ahayd caafimaad daro weyn oo jirtay, taasi oo ay sababtay iyadoo aanay dadku timaha maydhi jirin sababo biyo yaraan, koronto la’aan. Madaama biyuhu yihiin kuwa nadaafadda qaybta ug weyn ka qaata , dadka aan haysani waxay bartilmaameed u noqdeen xanuunada bakteeriyad, wasakhada, injirta iwm. Xaaladda jirta awgeed Saraha waxay isku dayday inay hagaajiso heerka nolosheeda, waxayna bilawday inay tijaabiso daawooyin kala duwan…

 

 

Leave a Reply