Mourinho oo Magacaabay Kooxdii ugu Adkayd ee uu Dhaafi Waayay Intii uu Tabobaraha ahaa

0
189

Jose Mourinho waxa uu ka mid yahay tababareyaasha ugu wanaagsan kubadda cagta ee 20kii sannadood ee ugu dambeeyey sida weyn u muuqday, isla markaana guulaha badan gaadhay. Waxa uu hantiyey oo uu kooxaha ugu waaweyn Yurub kula guuleystay 26 koob.

Sannadkii 2003 ayuu dunida qabsaday markii FC Porto oo awooddeedu hoosaysay uu u qaaday UEFA Cup oo ay 3-2 ku garaaceen Celtic kulan lagu daray waqti dheeraad ah oo weeraryahankii reer Brazil ee Derlei uu goolka guusha u dhaliyey daqiiqaddii 115aad.

Guushaas ayaa waxay soo afjartay 16 sannadood oo FC Porto aanay wax koob oo Yurub ah ku guuleysanin, balse sannadkii xigay ee 2004 ayay haddana ku guuleysteen Champions League oo uu u qaaday Jose Mourinho oo sidaas ku noqday tababare falsafad cusub oo xamaasadeed wata oo soo galay fagaareyaasha waaweyn.

Tababaraha reer Portugal ayaa la weydiiyey su’aal adag oo jawaab aan la sugaynin uu ka bixiyey oo ahayd ee uu ka hor tago in uu sheego kooxdii ugu adkayd intii uu ku jiray shaqada tababarenimada, iyada oo la ogyahay in Real Madrid, Chelsea, Inter Milan, Manchester United, Tottenham, FC Porto iyo AS Roma uu tababare usoo noqday.

Mourinho ayaa si lama filaan ah u magacaabay koox laga yaabo in aanay dad badan filaynin in uu sheego maadaama kooxaha ugu waaweyn dunida ay kulamo adag iskaga hor yimaaddeen, hase yeeshee waxa uu kooxdii ugu adkayd ee uu ka nuuxsan waayey ku sheegay Celtic oo finalkii UEFA Cup ee 2003 ay kooxdiisii FC Porto 3-2 kaga  badisay.

Isaga oo u warramayay wargeyska Daily Record ayuu yidhi: “Ciyaartoydii iigu adkayd waa finalkii aanu ka hor tagnay Celtic, ma ahayn guushii ugu weynayd, ma ahayn farxaddaydii ugu weynayd, laakiin marka aad ka eegto cadaadiska, waxay ahayd kulankaygii ugu weynaa abid. Waxay ahayd ciyaartii iigu adkayd intii aan tababaraha ahaa.”

Jose Mourinho oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Saddex final oo Yurub ah oo laba ay Champions League yihiin ayaan ciyaaray. Waxa aan ku guuleystay koobab badan, waxa aan ku lug yeeshay kulamo waaweyn oo la tixgeliyo, laakiin marka aad ka eegto dhinaca cadaadiska, xamaasadda iyo in dareenku gaadho heerka ugu sarreeya waxay ahayd ciyaartii Celtic.”

 

Leave a Reply