Wasiir ku Xigeenka Xannaanada Xoolaha oo Socdaal ku tegay Oodweyne

0
271

Oodweyne(Dawan):-Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta  Kalluumaysiga Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa socdaal uu ugu kuurgelayo shaqada Wasaaradda ee gobolka Daad-madheedh ku tegay xarunta gobolkaas ee Oodweyne

Wasiir ku Xigeenka aya kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh Maxamed Diiriye Xayd  iyo Isu Duwanaha Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Gobalka Daadmadheedh.

Wasiir ku Xigeenka oo ka hadlay ujeedada socdaalkiisa ayaa sheefay in  socdaalka uu  la xidhiidho shaqada wasaaraddu qaranka ay u hayso sduu ugu kuur geli lahaa iyo xog ogaal u noqoshada xaaladda nololeed ee xoolaha iyo dadka xoolo dhaqatada ah xilligan oo lagu jiro xilli ay dalka ka jirto abaar baahsani,waxaanu yidhi.”Waxa aan u socday in aan soo kormeero hawsha Wasaarada Xannaanada Xooluhu ka hayso Gobolka Daadmadheedh iyo Shaqaalaha ka hawl gala,Xukuumaddu Mashaariico badan ayay ka fulisay Gobolka iyo kuwo kale oo  socda Oodweyne way ka nasiib badan tahay,waxaanan u mahadcelinayaa Kooxda Waaxool ee Oodweyne ka dhisan ee Koobka ku guulaysatay Wasaaraddu tixgin ayay idin siin doontaa,”.

 

 

Leave a Reply