Barca oo Heshiis Lacag Badan lagu Xidhay ka Saxeexday Mucjisadda Khadka Dhexe ee Gavi

0
336

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaacisay in ay heshiis cusub la gaadhay laacibkeeda da’yar ee khadka dhexe ee Gavi oo saxeexay qandaraas afar sannadood oo kale kusii haynaya Camp Nou oo lagu xidhay 1 bilyan oo Euro.

18 jirkan oo waqti horeba boos joogto ah ka helay Barcelona iyo xulka qaranka Spain oo uu toban ciyaarood u saftay tan iyo 2021, ayaa waxa uu ogolaaday in uu heshiis cusub saxeexo kaddib wada-hadallo muddo dheer u socday kooxdiisa.

Gavi oo uu kooxda koowaad usoo dallacsiiyey tababarihii hore ee Ronald Koeman ayay dadka qaarkood barbar-dhigaan Andres Iniesta iyo Xavi Hernandez, waxaana ugu dambayntii uu meesha ka saaray hadal-hayntii ka taagnayd kooxda uu xilli ciyaareedka dambe u dheeli doono.

Kooxo ay ka mid yihiin Liverpool iyo Chelsea ayaa laacibkan isku dayayay in ay la saxeexdaan iyaga oo uga gacan haadinayay in ay uga yeedhaan oo ay waliba si bilaash ah kagala soo wareegaan Barcelona oo heshiiska uu kula jiray uu ku ekaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Qandaraaska cusub ee uu saxeexay Gavi ayaa soconaya illaa sannadka 2026, waxaanu si weyn sare ugu qaadayaa mushaharkiisa oo hadda ahaa ciyaartoyga ugu hooseeya kooxda oo dhan.

War-saxaafadeed ay Barcelona soo saartay ayaa lagu yidhi: “FC Barcelona iyo ciyaartoyga Pablo Paez Gavira ‘Gavi’ waxay gaadheen heshiis waqtiga lagu dheeraynayo oo qandaraaskiisa gaadhsiinaya illaa 30 June 2026. Waxa qandaraaskiisa lagu burburin karayaa 1 bilyan oo Euro.”

Gavi ayaa  noqonaya ciyaartoygii ugu dambeeyey ee Barcelona ay heshiis cusub oo 1 bilyan oo Euro lagu xidhay ka saxeexda, waxaana ka horreeyey Ronald Araujo, Ansu Fati iyo Pedri oo dhamaantood min 1 bilyan oo Euro lagu daray qandaraaskooda, si ay Barcelona uga badbaaddo in ciyaartoydeeda hibada badan leh si fudud looga qaato sidii ku dhacday sannadkii 2017 oo ay PSG 222 milyan oo Euro kaga qaadatay Neymar.

 

Leave a Reply