Toddoba Waddan oo laga Mamnuucay ka Qayb-galka Koobka Adduunka

0
190

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa maalmaha soo socda shaacinaysa go’aan lagaga mamnuucayo waddanka Ecuador in uu ka  qayb-galo Koobka Adduunka ee dhamaadka sannadkan lagu qabanayo wadanka Qatar, kaddib markii dib u hubin lagu sameeyey ciyaartoy aan u dhalanin dalkaas oo ay ciyaarsiiyeen kulamadii isreeb-reebka.

Ecuador ayaa noqonaysa waddankii toddobaad ee laga mamnuuco Koobka Adduunka, waxaana ku dhegay oo ka hadhi waayey xidhiidhka kubadda cagta Chile oo cabasho rasmi ah bishii April u gudbiyey FIFA kaddib markii Ecuador ay ciyaarsiisay Byron Castillo oo ay u sameeyeen shahaado dhalasho oo been-abuur ah iyadoo uu laacibkani tahriib ku tegay dalkaas.

FA-ga Chile ayaa hore u sheegay in Castillo uu ku dhashay Colombia sannadkii 1995kii, halka Ecuador ay u samaysay dhalasho lagu taariikheeyey 1998kii.

FIFA ayaa la filayaa in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo go’aanka ay ka qaadatay Ecuador, waxaanay wararka hordhaca ahi sheegayaan in ay suurtogal tahay in dalkan laga saaro Koobka Adduunka, taas oo haddii ay dhacdo ka  dhigi doonta dalkii toddobaad ee laga joojiyo inay ciyaaraan Koobka Adduunka.

Waddamada hore looga mamnuucay ayaa waxa ka mid ahaa Germany iyo Japan oo labadaba loo diiday in ay ka qayb-galaan Koobkii Adduunka ee 1950kii, iyadoo sannadihii 1942kii iyo 1946kii aan la dheelin tartankan maadaama uu socday dagaalkii labaad ee adduunyadu.

Germany iyo Japan oo dagaalkaas door weyn ku lahaa ayaa loo diiday inay kasoo qayb-galaan, waxaana ku guuleystay Uruguay oo ay u tahay koobka kaliya ee ay haystaan, waxaanay ka qaadeen Brazil oo ay finalkii iskugu yimaaddeen, halka Sweden iyo Spain ay iyaguna semi-finalka yimaaddeen.

Labadii koob adduun ee 1970kii iyo 1990kii ayaa loo diiday in uu kasoo qayb-galo waddanka Koonfurta Afrika, halka Mexico iyagana laga joojiyey sannadkii 1990kii oo uu Koobka Adduunka ku guuleystay waddanka Galbeedka Geramny oo finalkii ku garaacay Argentina halka Italiy iyo England ay ku dhamaysteen kaalmaha saddexaad iyo afraad.

1994kii ayaa waxa uu xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA uu ku wargeliyey Chile in aanay kasoo qayb-gelayn koobka adduunka, waxaanay sababtu ahayd in gool-hayihii xulka qaranka dalkaas ee Roberto Rojas uu mindi kusoo dhex qarsaday golofisyada ciyaar uu waddankiisu la ciyaaray Brazil sannadkii 1989kii, si uu ciyaartoyda Brazil u dhaawaco. Waxa kale oo gebi ahaanba ciyaaraha laga mamnuucay gool-haye Rojas.

Myanmar ayaa sannadkii 2002 diiday inay la ciyaarto Iran ciyaar ka tirsanayd isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaanay FIFA ku abaal-marisay in laga joojiyo ka qayb-galka Koobkaas iyadoo sidoo kalena lagu ganaaxay 23,500 dollar. Waxay Myanmar ka maqnaatay Koobkii Adduunka 2006.

Waddanka ugu dambeeyey ee laga mamnuucay ka qayb-galka Koobka Adduunka ayaa noqday Ruushka oo sannadkan aan kasoo qayb-geli doonin kadib markii uu dalkaasi weerar ku qaaday Ukraine. Dalalkii la ciyaari lahaa isreeb-reebka ayaa dhamaantood diiday, waxaanay FIFA go’aansatay in Ruushku aanu kasoo qaybgelin Koobka Adduunka ee sannadkan lagu qabanayo Qatar.

Leave a Reply