Horyaalka Caasimadda: Maaliyadda oo ku Durdurisay Kooxda Baanka

0
201

Ciyaar aad u adag shalay galab ku dhexmartay garoonka caasimadda ee Hargeysa Staduim labada kooxood ee Maaliyadda iyo Baanka ayaa ahayd mid xiiso gelisay daawadeyaashii garoonka iyo dadkii ka dheehanayay shaashadaha kala duwan ee ciyaaraha.

Ciyaartan oo ka mid ahayd horyaalka heerka koowaad ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayay labada kooxoodba bilawgii ciyaarta kusoo galeen kubad la isku muujiyay awooddooda.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay labada naadiba isku dayeen inay keenaan balse waxay ku dhamaatay 0-0 ay ku kala nasteen labada kooxood.

Qaybtii dambe ee ciyaar ayay bilawgiiba kooxda Baanka Somaliland dhalisay taasoo ka dhigtay ciyaarta 1-0 ay hogaanka ku qabteen.

Kooxda Maaliyada wax ka bedel ku samaysay hanaankeeda weerarkeeda, waxaanay ku guuleysteen inay keenaan goolka barbardhaca, kaasoo gool ku laad ay heleen u bedeleen gool.

Isla daqiiqado kadib ayay si lama filaan ah kooxda Wasaaradda Maaliyaddu u keeneen goolkoodii labaad, kaasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 ay hogaanka kula wareegeen Maaliyaddu.

Daqiiqadii 82aad ayay markale kooxda Wasaaradda Maaliyaddu soo taabatay shabagga kooxda Baanka, kaasoo uu gool u xaqiijiyay laacibka Xasan Saas, waxaanay noqotay 3-1 ay Maaliyaddu kusii dheeraysatay hogaankeeda.

Ugu dambayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay kooxdu Maaliyadda guushu ku raacday.

Leave a Reply