Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Kubadda Cagta oo ka Warbixiyay Hannaanka ay Ciyaaruhu uga Socdaan Dalka

0
216

Gudoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Khadar Jiilaal oo booqday garoonka kubadda cagta magaalada Gabiley ee lagu magacaabo Mo Farah oo ay ka socdaan tartanka Horyaalka heerka koowaad iyo heerka labaad ee gobolka Gabiley.

Guddoomiye ku-xigeenka xidhiidhka kubadda cagta oo warbaahinta kula hadlay garoonka Mo Farah ee magaalada Gabiley ayaa ka waramay hanaanka ay guud ahaan dalka uga socdaan heerarka kala duwan ee ciyaaraha kubadda cagta. Sidoo kale waxa uu Khadar Jiilaal ka warbixiyay xidhiidh ahaan qorshahooda mustaqbalka iyo horumarinta ciyaaraha kubadda cagta ee Somaliland.

Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Xidhiihka kubadda cagta Somaliland wuxuu u taagan yahay inuu dhiirigeliyo dhamaan dhalinyarada Somaliland ee ciyaara kubadda cagta, booqashadayadan maantuna waxay ahayd mid aanu ku nimi oo aanu ugu kuurgalaynay horyaalka koobka Gabiley oo ah labada heer ee heerka koowaad iyo heerka labaad.” Khadar Jiilaal ayaa intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Gobol kasta oo Somaliland ah oo ciyaaraha kubadda cagtu ka socdaana xidhiidhka kubadda meelna ku fogaan mayso, intaanu hayno masuuliyadda xidhiidhkana waxaanu rejaynaynaa inay ciyaaraha Somaliland gaadhaan meel wanaagsan, taasoo ay naga go’an tahay inaanu gaadhsiino heerka ciyaaraha caalamiga ah ee adduunka.”

Leave a Reply