Ficil uu Sameeyey Casemiro oo la Yaab ku Noqday Paul Scholes

0
220

Halyeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa sheegay in uu aad ula yaabay xalay xiddiga Brazil ee Casemiro oo sameeyey ficillo ciyaareed oo aanu ka filayn, kaddib markii uu beddel kusoo galay kulankii ay Red Devils 2-0 ku garaacday Sheriff Tiraspol oo ay ku booqatay Moldova.

Waqtigii nasashada ayuu Erik ten Hag nasiyey Scott McTominay, waxaana ciyaartoyda kusoo laabanaysay garoonka soo raacay Casemiro, waxaana 45kii daqiiqadood ee uu garoonka ku jiray layaab uu ku riday Paul Scholes oo uu tusay awoodo ciyaareed iyo hibooyin aanu ku ogeyn.

Scholes oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in uu layaab ku riday Casemiro sababtoo ah awooddiisa baas-bixinta, sida uu kubbadaha hore ugu wado iyo midda saddexaad oo ah in uu kubadda kasoo burburinayo xagga dambe oo uu waardiyeynayo difaacyahannada.

“Casemiro wuxuu igaga yaabiyey sida uu baaskiisu hore ugu socdo iyo halka uu dhigayo kubbadaha. Waxaan u malaynayey in uu yahay guuleyste kubad burburiye ah. Kroos iyo Modric ayay ahaayeen kuwii sannadkii hore inta badan muuqday, laakiin isaguna wuxuu leeyahay baas cajiib ah.”

Inkasta oo Scholes uu la yaabay awoodda baas-bixinta Casemiro, haddana waxa uu sheegay in ay waqti ku qaadan doonto in uu si buuxda u saldhigo kooxda tababare Erik ten Hag oo uu boos joogto ah ka helo, maadaama booska uu isagu ka dheelo uu bandhig fiican ka samaynayo Scott McTominay.

Leave a Reply