Xulka Qaranka England oo laga Dayrinayo ka Hor Koobka Adduunka ee November Bilaabmaya

0
277

Tababaraha xulka  qaranka  England ee Gareth Southgate ayaa ka walaacsan qorsheyaashiisa Koobka Adduunka, kaddib markii xiddigo uu ku xisaabtamayay aanay kooxahooda horyaalka Premier League  ka helin waqtiyo ciyaareed oo ku filan.

Southgate ayaa qirtay in uu la socdo xaaladda ay ku sugan yihiin xiddigaha muhiimka u ah xulkiisa ee Ben Chilwell, Luke Shaw, Harry Maguire iyo Kalvin Phillips oo dhamaantood kaydka uga dhaadhacay kooxahooda iyadoo laga doorbiday ciyaartooyo kale.

28 ciyaartoy oo xulka qaranka England ah oo uu Southgate ku dhawaaqay Khamiistii, kuwaas oo ciyaari doona kulamada UEFA Nations League ee Italy iyo Germany ayaa waxa uu u yeedhay markii ugu horreysay weeraryahanka Brentford ee Ivan Toney.

“Way caddahay, in tiro ciyaartooyo ah aanay daqiiqado badan u ciyaaraynin kooxahooda.” Ayuu yidhi Southgate, waxaanu sii raaciyey: “Ma aha wax fiican, laakiin waanu dareemaynaa in ay noo ahaayeen, siina ahaan doonaan muhiim.

“Ma aha xaaladdii saxda ahayd, balse wali waa  la ciyaarayaa ka  hor inta aan la tegin Qatar.”

Xulka qaranka England ee kulamada Italy iyo Germay

Goolhayeyaal: Dean Henderson, Nick Pope, Aaron Ramsdale

Difaacyahanno:  Trent Alexander-Arnold, Ben Chilwell, Conor Coady, Eric Dier, Marc Guehi, Reece James, Harry Maguire, Luke Shaw, John Stones, Fikayo Tomori, Kieran Trippier, Kyle Walker

Khadka dhexe: Jude Bellingham, Mason Mount, Kalvin Phillips, Declan Rice, James Ward-Prowse

Weeraryahanno: Tammy Abraham, Jarrod Bowen, Phil Foden, Jack Grealish, Harry Kane, Bukayo Saka, Raheem Sterling, Ivan Toney

 

Leave a Reply