Cid aanu u Daba Fadhinaa Majirto Masiirkayaga.”Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore

0
350

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa si adag uga    jawaabay hadallo ka soo yeedhay Madaxweynaha  Soomaaliya  Xasan Sheekh  Maxamuud.

 

 

Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ku tilmaamay  Madaxda Muqdisho ee  Soomaaliya ay caadaysteen hadallo aan waaqac ahayn,waxaanu intaa ku daray in Somaliland iskeed isugu tashatay.

 

 

Wasiirka oo Arimahaa ka hadlayayna waxa  uu yidhi”Waxa aanu u aragnaa hadalkaa Nin Maalin cad riyooday sababtoo ah dhul aanu xukumin oo aanu shaqo ku lahayn ayuu leeyahay waanu  xukunaa,dawladda ka soo baxda  Muqdisho ee  aan dhaafsiisnayn Muqdisho waxa ay marar badan ku hadlaan hadallo aan waaqic  ahayn.cid aanu u daba fadhinaa majirto masiirkayaga waxaana aanu u aqoonsannahay masiirkayagu in uu yahay mid Umadda Somaliland leedahay oo ay isku tashatay,”.

 

 

Waxaa kale oo uu Wasiir Koore sheegay in aanay jirin cid Somaliland uga baahantahay Mucaawimo.Waxaanu yidhi”Mucaawimo aanu uga baahannahay in ay cidi na, siiso majirto,waxa aanu nahay Umad isku tashatay waanu ogyahay Xasan Sheekh  in Umadda Somaliland tashatay oo ay leedahay  Dastuur Madaxweyne  iyo Gole Baarlamaan  oo loo dhaariyay.sida uu u hadlay waxa ka muuqata in aanu waayo arag u ahayn dareenka Umadda Somaliland halka uu taagan yahay, waxaan  leeyahay Umadda Somaliland dhagaha ka furaysta Umadda Soomaaliya waxa aan leeyahay yaan been laydiin sheegin walaalnimada waanu ogol nahay cid aanu colaad u haynaa majirto,”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply