Golaha Guurtida oo ka Jawaabay Hadalkii Madaxweynaha Muqdisho

0
286

Hargeysa (Dawan):-Golaha guurtida Somaliland ayaa, jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maraykanka ka yidhi hadal gef ku ah qaranka Somaliland iyo shcbigiisa.

Waxaanay  soo jeediyay in lafaha muwaadiniintii u dhashay Somaliland ee  lagu xasuuqay Xeebta Jasiira lafahoodii la soo wareejiyo si salaatu jinaasa loogu tukado, lana hakiyo wada hadalkii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanay sidan ka sheegeen doodda qodobka arrimaha dibedda.

Xildhibaan Axmed Dirir Cali, ayaa soo jeediyay in muwaadiniintii reer Somaliland ee lagu xasuuqay Xeebta Jasiira, lafahooda la soo wareejiyo si dib loogu aaso oo salaatul Jinaaso loogu tukado, isla markaana la hakiyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanu yidhi. “Waxaan soo jeedin lahaa in Soomaaliya wada hadalku meeshiisa ha jooge horta lafaha innaga yaalla Jasiira, dadkii la xasuuqay in lafihii la inoo soo wareejiyo oo aynu u midayno kuwii Jigjiga lagu xasuuqay iyo kuwii Malko-durduro si aynu salaatul Jinaasa u sameyno.

Haddii Somaliland iyo Soomaaliya la isgarab dhigo innaga ayaa la ina xasuusta, geeska Afrika, marka nabadgelyo la soo qaadana innaga ayaa la ina xasuustaa, marka Soomaaliya la soo hadal qaadana waxa la xasuusta dil iyo Al-shabab”

Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu bannaanka keenay cadaawadii qarsoonayd ee uu Somaliland u hayay, isla markaana isaga oo  dawladdo Afrikaan ahi ku ilaaliyaan Filada in aanu Somaliland waxba kaga gurayn hadal uu yidhi.

Waxaanu yidhi.“Waxaan warbaahinta ka arkaynay madaxweynaha Soomaaliya oo ku goodiyaya ku cidhiidhi gelinmayo awoodayda iyo dublamaasiyadayda Somaliland, Citiraafna uma ogoli, balse inay iska noolaadaan waxba kama qabo, taas oo aanu fahmin waxa uu yahay iyo ninka uu yahay, iyo in Filada uu joogo Afrikaan ku ilaaliyo, oo meel Filada ka shisheysana aanu tagi Karin isaga oo xor ah, oo Filadiina dawladdo shisheeye.

Xasan Sheekh isaga oo Filada jooga ayuu muujiyay nacaybka, horumar diidka, iyo xaasidnimada uu Somaliland u hayo.

Anigu waan boggaadinaya jawaabtii uu ka bixiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi hadalka Xasan Sheekh Maxamuud”

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud “Somaliland haka hawlgasho sidii basaaboorkeedu sitoos ah Sucuudiga uga shaqayn lahaa sababtoo ah maynaan soo Xajin doorkii dhaweyd, marka waxaan soo jeedinaya in siyaasadeena arrimaha dibeddu ay  ka hawlgalaan sidii bulshada Somaliland Basaaboorkeeda ugu tegilahayd, lagana dhaadhiciyo sidii aynu basaaboorkeena ugu soo xaji lahayn”

 

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa soo jeediyay in Somaliland siyaasad cad ka yeelato xidhiidhka ay la leedahay dawladda Sucuudi Carabiya.

Waxaanu yidhi.“In aynu xoojino xidhiidhka dalallka ay ganacsatadeenu xidhiidhka la leeyihiin, in aynu siyaasad cad ka yeelano Sucuudiga, in aynu xoojino dawladda Imaaradka, in aynu abuurno xidhiidho ka qoto dheer, cidkastana aynaan uga cararin Soomaaliyada aynu kala go’nay cidday saaxiibka la tahay iyaduna albaabkasta oo ay gasho in aynu dhinaceena ka galo”

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in dariiqa kaliya ee Somaliland Citiraad ku heli karaysa uu yahay iyada oo dalalka Caalamka u dirta ciyaaryahano magaca Somaliland ku ciyaaraya.

Waxaanu yidhi.“Adduunyada meelkasta aynu gayno ciyaartoy, fanaaniin heesta, bulshada caalamku way ina soo eegi lahaayeen, miisaaniyadii ay ku tegi lahaayeen iyo wixii kharashaad ahna waynu ka fikiri doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo”

 

 

Leave a Reply