Waxa soo Baxday Xasan Sheekh wuxuu la Aamusnaa”Madaxweyne Biixi

0
250

Burco (Dawan):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha caasimaddiisa aan xukumin ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegtay in aanu ogolayn in Somaliland tahay dal ka madax bannaan Soomaaliya,waxaanu Madaxweynaha qaranku   si cad u sheegay in go,aanka goosi isu taagga Somaliland yahay go’aan shacab oo aan ka noqosho lahayd isla markaana soddon sano iyo dheeraad Somaliland ahayd qaran ka madax bannaan Soomaaliwayn wixii la isku odhan jiray lana soo noqotay madaxbannaanideeda.

Madaxweynaha Qaranka oo ka  jawaabayay hadalka gefka ku ah Qaranka Somaliland isla markaana ka hadlayay shir uu la yeeshay waxgaradka iyo aqoonyahanka gobolka Togdheer  ,ayaa  yidhi.”Qaranka Somaliland magaalada Burco eed caawa joogtaan oo layskugu yimid, wuxuu go’aansaday, in uu ka baxo midowgii uu ku khasaaray, markii ay burburtay wixii aynu ku heshiinay, oo uu qaranimadiisa gaar iskula taago, taana waxba laga waydiin maayo Xasan Sheekh iyo nin Xamar jooga”

Madaxdweynuhu waxa uu waxan hore loo arag ku tilmaamay erayga uu madaxweyne Xasan Sheekh isticmaalay ee odhanaya “ma ogolin madaxbannaanida Somaliland”, waxa uu sheegay in hadalka Xasan uu yahay mid aan aqli fiican ka iman oo cadaawad abuuraya.

Waxa uu sheegay in markii hore la moodayay in madaxweyne Xasan uu yahay nin wax garad ah, laakiin ay hada soo baxday wuxuu la aamusnaa.

Waxaanu yidhi.”Libaaxa kasoo ciya iyo ka aamusan, ka aamusan ayaa daran, waxa soo baxday Xasan Sheekh wuxuu la aamusnaa”

  

 

 

Leave a Reply