Madaxweynaha Somaliland oo Caynaba lagu soo Dhaweeyay Tirada Mashaariicda uu Xadhigga ka Jaray iyo kuwo socda ee uu Kormeeray

0
370

Madaxweynaha qaranka oo bulshada Caynaha la lugeeyay soona kormeeyay mashaariicda socda ee Xukuumaddu waddo

Caynaba:(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku marayay maalmahanba gobolada bari ee dalka,ayaa shalay si wayn loogu soo dhaweeyay xarunta gobolka Saraar ee Caybaba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,markii uu gaadhay magaalada Caynaba Xarunta gobolka Saraar waxaa uu xadhiga ka jaray mashaariic dhammaaday oo xukuumaddu ka hirgelisay Caynaba.

Waxaanu xadhiga ka jaray dhisme loo dhisay Baanka Somaliland oo laba dabaq ah  iyo xarunta wasaaradda khayraadka biyaha oo isna dhammaaday.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golaha wasiirada,maamulka reer gobol iyo degmo ee Saraar iyo Caynaba ay soo kormeereen  mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka waddo gobolka Saraar oo shaqadoodu socoto.

kuwaas oo ay kamid yihiin garoonka kubbadda cagta ee magaalada iyo Dhaam-biyood weyn oo qodistiisu ka socoto duleedka Koonfureed ee magaalada magaalada Caynaba, kaas oo looga gol leeyahay in lagula tacaalo biyo yaraanta jirta

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo weftigiisa ayay bulshada gobolka Saraar,madaxda heer gobol iyo degmo iyo qaybaha kala duwan ee dadweynaha degmada Caynaha si wayn ugu soo dhaweeyeen Caynaba, iyagoo kaga hor  dhinada galbeed ee magaalada isla markaana kusoo dhaweeyay Fardo Madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyay dhinaca magaalada Caynaba.

 

 

 

 

 

Leave a Reply