Weedha Wargeyska: Hadalka Xasan Sheikh wuxuu Markhaati u yahay Siyaasadda Khayaaliga ku Dhisan ee lagu hoggaamiyo Soomaaliya

0
83

Dhawaaqyada ku salaysan dhalanteedka, iska-dhihidda iyo dhankaalnimada ee ka soo yeedha madaxda Dalka fashilmay ee Soomaaliya, ma aha wax ku cusub dhegaha iyo dareenka umadda reer  Somaliland laga soo bilaabo sanadkii 1991-kii markii ay labada dal la kala noqdeen ee ay Jamhuuriyadda Somaliland masiirkeeda ka tashatay ee ay lasoo noqotay madaxbanaanideeda dalnimo, soona afjarmay israacii dhex maray 1960-kii markii ay xornimada ka kala qaateen boqortooyada Ingiriiska iyo Nidaamkii Talyaaniga. waxayse ahaayeen hadalladaasi kuwo laga maqlayey nin kasta oo Madaxweyne ka noqday maamulka aan muqdisho wada xukumin ee uu u dambeeyey Ninka shalay ka hadlayey magaalada Washington ee Xasan Sheekh Maxamuud la yidhaahdo iyo kuwii isaga ka horreeyey oo dhamaantood ka sinnaa sheegashada Soomaaliya  ka kooban Hargeysa iyo Xamar oo 31 sannadood kala maqan , hase yeeshee arragtida liidata ee noocaas ahi waa mid aan imika iyo hore toona waxba ka nusqaamin qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Somaliland, inay dhiiri-gelin iyo dhabar-adayg u kordhiso mooyaane, laguse tilmaami karo cudur dhanka maskaxda ah oo laga qaado kursiga madaxweynenimada Villa Somalia (cudurka Somaliland nacaybka).

Si kale haddii aynu u nidhaahno hadalka loogu sacab tumayey Xasan Sheekh ee uu sidii nin gacanta wax ugu jiraan ku tiraabayey isagoo ka hor baanaya dad la soo abaabulay oo u muuqday kuwo aan xogogaal u ahayn wacyiga iyo waayaha la marayo, nuxurkiisuna ahaa “walaaleheena Somaliland ma ogolin gooni-isu-taagooda” waa ra’yi ku dhisan riwaayad iyo xishood la’aan oo ay la qabeen raggii ka horreeyeyna, midba si uu wax u sheegtaba,  balse sida dhiiran ee uu u leeyahay aanu u fulin karin, hortii jirrena afka baarkiisa dhaafin waayey, hase ahaatee  ceeb iyo fool-xumo weyn ku ah xilka iyo masuuliyadda uu hayo ee ay shacbiga Soomaaliya ka sugayaan inuu wax ugu qabto ama kaga saaro xaaladda cakiran ee ay ku sugan yihiin.

Mar kale Waa  xaalad soo jirtay 31-kii sannadood ee ay jamhuuriyadda Somaliland dib-ula-soo-noqoshada  xornimadeedda ku naaloonaysay, dhankoodana ay dawladnimadu u sal-dhigi la’dahay illaa maanta oo ay isu-barkan yihiin colaad dhiig-ku qubanayo oo hadba waji yeelanaysay, siyaasad-xumo, dawlad la’aan iyo burbur laxaadle oo ku dhacay qiyamkii iyo dhaqankii bulsho ( Social Value and Norms), isla markaana imika madaxa la galay gulufkii ugu xumaa oo hubanti la’aan geliyey mustaqbalka nafo badan oo rayid ah, waa dagaalka u dhexeeya Shacbiga iyo Al-shabaab’e.

Somaliland-ta uu Xasan Gurguurte u baanayaa, waa qaran leh dhammaan tiirarkii dal, sida dhul , dad, nidaam dawladdeed  iyo lacag u gaar ah, isla markaana shacbigiisu dhigtay dastuur qeexaya, magaciisa, dhulkiisa, soohdimihiisa, calankiisa iyo qaabkiisa dawladnimo, waana waddan adduunku ku aqoonsaday guulaha siyaasaddeed ee uu gaadhay soddonkii sannadood ee u dambeeyey, guulahaasi oo ay kamid yihiin doorashooyinka sida dimuquraadiga ah ee aan Afrikaba ka dhicin uga hirgelay, hab-dhaqanka xalinta khilaafaadka iyo nabad-gelyada taaba-gashay ee uu kaga duwan yahay wadamada gobolka oo ay Soomaaliya kamid tahay. Sidoo kale waa qaran gaadhay heer uu ku xaqiijinayo isku-filnaanshiyo dhaqaale, yeeshayna awood uu ku maalgelin karo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bulshada, yartahayna baahida uu u qabo ku tiirsanaanta kaalmooyin caalami ah.

Waa Dal, qiimaha xoriyaddu ku joogto dhiig, dhaqaale iyo tacab lagu soo daalay oo kuf iyo kaddeedba loo soo maray, dadkiisa iyo dawladdiisuba meel uga soo wada jeedaan isku-day kasta oo lagu shirqoolayo madaxbanaanidiisa iyo nabad-gelyaddiisa. Isla markaana waa waddan boqolaal kun oo nafood u dhinteen gooni-isutaagiisa, boqolaal kun oo kalena u naafoobeen xornimaddiisa.

Sidaas awgeed, waxa isweydiin mudan, sababta uu ugu soo hanqal taagay, uguna tamaniyey inuu wax ka sheego arrimaha masiiriga ah ee dalkan xornimada, dawladnimada iyo dhul-xaddeedkiisa haysta, ninka shacbigii  xilka u cimaamaday maalin walba xasuuqa ay ku hayaan kooxaha argagixisada ah, isla markaana waddankiisa uu bariinsaday qallalaasaha siyaasaddeed ee aan dhamaadka ahayn, musuqmaasuqa iyo nidaam-darradu, xaqiiqda marka laga hadlayona xukunka uu hayaa aanu wada gaadhin gobolka Banaadir ama Magaalada Muqdisho ee xafiiskiisu ku yaallo?

Jawaabta isweydiintaasi way badan tahay, waxaanse ku soo koobaynaa  laba qodob:

Marka koobaad, Waxa ay doollaaladiisu markhaati u tahay nidaam-siyaasaddeedka  khayaaliga ku dhisan ee lagu hoggaamiyo dawladnimada dalkaasi, taasoo ka fog ku dhaqanka xaqiiqada, runta ah iyo waaqica dhabta ah, waana ta sababta u ah degenaanshiyo la’aanta ku gaamurtay, xal-u-helid la’aanta amni-darrada iyo dhamaystir-la’aanta hannaankooda dawladdeed ee dibedda loogu soo macmalay dhalashadiisii.

Qodobka labaad, waa mid ku salaysan inuu adduunka u dirayo farriin dhalan-habaabis ah oo uu doonayo inuu ku carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo saaxiibada caalamka, balse horeba ugu suurtoobi wayday wakhtigii uu xukunka dalka hayey isagu iyo hoggaamiyeyaashii dhiggiisa ahaa, qodobkan ujeeddadiisa labaad  dhinaca gudaha dalkiisa waxa uu isku-dayayaa inuu ku maaweelinayo umadda ka sugaysa inuu Soomaaliya samato-bixiyo.

Geesta kale, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Hashu maankayga gaday ma maansaarbay liqday, Xasan Sheekh Maxamuud waa Ninkii Soomaaliya xukumayey markii ay socdeen wadahadallada Somaliland iyo Dalkiisu ee saxeexay Heshiisyadii Ankara iyo Djibouti ee lagu beyaamiyey in labada dal ay ka wada hadlaan xidhiidhkooda Mustaqbalka, taasoo ka dhignayd, loogana wada hadlay laba dhinac oo siman oo kala madaxbanaan, iyadoo dhammaan heshiisyadii maamulkiisa iyo Somailand wada galeen ay ugu muhiimsanayd in heshiis laga gaadho macaamilka siyaasaddeed ee labada dal qaabka uu noqon doono, taasina waa sabab kale oo aan marnaba loogaga garaabayn inuu u hadlo sida qof aan waxba ogayn ama hoggaamiye socod barad ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Xamar waxa uu Olollihiisii doorashada ku galay hal-ku-dhig maslaxad iyo wanaag tilmaamaya oo ahaa “Soomaali heshiis ah adduunkana heshiis la ah”, hase yeeshee waxa hubaal ah in hadalkiisani daah-furay “Soomaali col ah, adduunkana  been kula tacaamusha”

Sidaasoo ay tahay, umadda Somaliland meel kasta oo ay jooggaan waxa la gudboon mar kale inay  cusboonaysiinta   colaaddeed ee maamulka Soomaaliya, jawaab midaysan iyo go’aamo xannuunkooda la dareemo lagaga gilgisho xad-gudubka doqonnimada ah ee uu hoggaamiyaha muqdisho kula kacay milgaha qarankeena.

Ugu dambeyn, Xasan Gurguurtoow markii aad olollaha xukun-raadiska ku jirtay waxaa lagaa hayey “Hebeloow dhiiqa yaan caga lagu gelin”, balse Dhiiqadii aad sheegaysay adiga ayaa wakhti xaadirkan madaxa kula jira, waxaana talo iyo tallaabo hogaamineed kaaga baahan gumaadka dadka aan waxba galabsan ee ay Argagixisadu ku xasuuqayso meel kasta oo kamida dalka aad sheeganayso in aad madaxweyne u tahay. Waxa badbaado kaaga baahan nafaha danyarta iyo duqayda. Waxa go’aan iyo gacan fulineed kaaga baahan dhismaha dal la yidhaahdo Soomaaliya oo leh dawlad qudha, Dastuur iyo nidaam maamul oo bulshada u adeegga.

Shacbiga Somaliland na way ka dheregsan yihiin maamulka Muqdisho jooga hadda iyo kuwii ka horreeyay iyo kooxda dagaalka kula jiraaba ba in ay ka midaysan yihiin Somaliland ma go’i karto,markaa waxaan leeyahay Xasan Sheekh Adiga iyo kooaxaha lagaa waardiyeeyo ee dagaalka kugula jira waxa keliya ee aad isku raacsan tihiin waa diid mada qaran nimada Somaliland inta aad halkaa taagan tahayna waxba kuu dhismi mayan adiga iyo mid kasta oo kale oo kula fikir ahba umaddii aad magacooda sidatayna maalin kasta waa u oohin, gumaad iyo dhiig daadin joogto ah.

Waxaana kula gudboon in aad ka damqato dhiigga maalin kasta afaafka Madaxtooyadaada ku daadanaya iyo dadka hortaada lagu xasuuqayo, adoon caasimaddaada hannan oo dunidu waardiyahaaga lacag ku bixiso ceeb ayay kugu tahay soo hadal qaadka Somaliland.

Leave a Reply