Klopp oo Diiday inuu ka Hadho Xiddiga Real ee uu ku Riyoonayo inuu Keeno Anfield

0
195

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib usoo cusboonaysiisay qorshaha ay doonayso inay kula saxeexato xiddig Real Madrid ah oo xagaagii tegay uu isku dayay in uu keeno Anfield laakiin ay Los Blancos uga dhaaratay in ay bixiso.

Tababaraha reer Germany ayaa diyaarinaya dalab weyn oo xambaarsan £85 milyan oo Gini oo uu hor-dhigayo Real Madrid, si uu ugu qanciyo in ay u ogolaadaan in uu helo saxeexiisa riyada oo uu rumaysan yahay in uu wax badan kusoo kordhin doono Anfield.

Sida uu kusoo warramayo wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, Liverpool ayaa marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga dambe waxay Real Madrid miiska u saari doonaan £85 milyan oo Gini oo ay ku doonayaan Federico Valverde oo ahaa xiddigii Los Blancos u dhaliyey goolkii labaad kulankii ay Axaddii 2-1 ku garaaceen Atletico Madrid.

24 jirka reer Uruguay oo sannadkiisii shanaad ku qaadanaya Real Madrid oo isaga oo ay da’diisu yar tahay kasoo qaadatay kooxda Penarol ee ka dhisan Uruguay, ayaa waxa uu Carlo Ancelotti ku kaftay dhowaan in uu shaqada tababarenimada ka fadhiisan doono haddii aanu xilli ciyaareedkan dhalinin wax ka badan toban gool, kaddib markii uu gool uu meel fog kasoo jiitay kubadda uu toddobaadkii hore ka dhaliyey Real Mallorca.

Valverde ayaa boosas badan ka ciyaari kara, sida kubbad-sameeye, garab midig iyo xataa kubbad-burburiye, waana waxyaabaha ay Liverpool ku calmatay laacibkan, hase yeeshee Los Blancos ayay adag tahay laacibkan oo markii ay la saxeexanayeen ay 11 saacadood diyaarad usii saarnaayeen.

Haddii ay Liverpool iibsato Valverde, waxa uu noqon doonaa ciyaartoygii labaad ee ugu qaalisanaa ee ay iibiyaan taariikhda, waxaana uu ku xigi doonaa Cristiano Ronaldo oo sannadkii 2018 ay £88 milyan oo Gini kaga iibiyeen Juventus.

Leave a Reply