Xulka Qaranka England ee Kulamada Loogu Diyaar-garoobayo Koobka Adduunka oo Isbeddel Lagu Sameeyey

0
332

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa isbeddel ku sameeyey liiska xiddigihiisa ee uu hore u shaaciyey ee kulamada ugu dambeeya ee loogu diyaar-garoobayo Koobka Adduunka ee bisha November ka bilaabmi doona waddanka Qatar.

Gareth Southgate ayaa hore usoo saaray liiska 28 ciyaartoy oo uu usoo xushay kulamada UEFA Nations League ee Talyaaniga iyo Jarmalka, waxaana uu hore uga reebay dhawr ciyaartoy oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Kalvin Phillips iyo Jordan Henderson oo labaduba dhaawacyo qabay, halka difaaca Arsenal ee Ben White ay maqnaanshihiisu su’aalo keentay.

Tababaraha ayaa waxa uu hadda dib ugu yeedhay kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson oo kasoo kabatay dhaawac uu ku maqnaa, waxaana uu doonayaa in uu qayb ka noqdo labada kulan ee Italy iyo Germany, maadaama uu ku jiro xulashadiisii ugu dambeeyey ee safka uu la tegayo Koobka Adduunka.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xidhiidhka FA ayaa algu sheegay, in Jordan Henderson uu qayb ka noqonayo xulka England ee Jimcaha magaalada Milan kula ciyaari doona Talyaaniga, hase yeeshee waxa in uu kusoo bilaabanayo iyo in kale go’aan laga gaadhi doonaa daqiiqadaha ugu dambeeya.

Henderson ayaa xalay xulka qaranka England ugu tegay garoonka ay tababarka ku qaadanayaan ee St Georg’s Park, waxaase la rumaysan yahay in arrintani ka cadhaysiin doonto tababare Jurgen Klopp oo doonayay in aanu Henderson qayb ka noqon kulamadan, si uu taam ahaansho buuxa u helo.

Inkasta oo loo yeedhay Jordan Henderson, haddana waxa maqan oo aan kulamadan qayb ka noqonayn Kalvin Phillips oo si joogto ah ugu soo bilowday kulamadii EURO 2020  ee uu Talyaanigu rikoodheyaasha kaga qaaday.

Leave a Reply