Madaxweynaha Somaliland oo Kulan la Qaatay Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Degmada Sheekh

0
227

Sheekh-(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay la kulmay waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee ku dhaqan degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.

Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay kasoo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen gobollada Saaxil,Togdheer iyo Sool, ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Sheekh, waxanay iska xogwarysteen xaaladda degmada, mashaariicda xukuumaddu ka hirgelisay degmada, waxaanay madaxweynaha uga mahadnaqeen sida xilkasnimada leh ee ay xukuumadda uu hoggaamiyaa ugu hagarbaxday degmada.

 

 

Dhinaca kale sadex qodob oo ay ka codsadeen Madaxweynaha waxgardka degmada Sheekh,ayuu ugu bushaareeyay inay ka Xukuumad ahaan deg deg wax uga qabanayaan qodobadaas oo ay ka mid ahaayeen Biyaha iyo guriga Martida ee Degmada Sheekh.

 

 

Leave a Reply