Mareeye Cumar-sayid oo ka Hadlay Muddo Kordhin Xisbiyada Mucaaridku Doonayaan

0
317

Hargeysa (Dawan):-Mareeyaha Hay,adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi ayaa sheegay in  khilaafka Siyaasadeed ee dalka ka taagan in uu salka ku hayo Xisbiyada Mucaaridka oo diiddan qabashada Doorashada Ururada Siyaasada.

Cumar-Sayid Cabdilaahi ayaa  tilmaamay in marxaladii ugu dambaysay uu marayo  khilaafka Siyaasadeed ee dalka ka taagan,waxaanu intaa ku daray in uu ku taxaluuqo soo kala horraynta qabashada Doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda.

Cumar Sayid oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Khilaafka Siyaasiga ah ee Somaliland ka jira oo marxaladii ugu dambaysay ku jira waa khilaaf sharci,waxaanu ku taxaluuqaa hannaanka doorashooyinka dalka sida loo gelayo ayuu salka ku hayaa.markii Madaxweyne Muuse Biixi talada ku guulaystay 2017 kii Xisbiga Waddani waxa ay diideen in ay aqbalaan 80kun oo cod   oo lagaga helay ayay diideen in ay aqbalaan,waxaanay qaadatay muddo in ay aqbalaan natiijada Doorashada Komishanka Doorashoohinka ee doorashada qabtayna waxa ay yidhaahdeen la shaqayn mayno cidda laba sano la meeraysanaysay Komishankii hore ee Doorashooyinka waa Xisbiga Waddani,”.

Cumar Sayid ayaa  sheegay in xeer 14 ay ku cadday in lix bilood ka hor la diwaangaliyo Ururada Siyaasada.Waxaanu yidhi”Doorashada Ururada Siyaasada xeer lambar 14 waxa uu  sheegayaa in  lix bilood ka hor la diwaangaliyo Ururada Siyaasada oo ahayd Bishii June ina soo dhaaftay,markii  la bilaabay Diwaanginta Ururada Siyaasadda  ayaa Xisbiyadda Mucaaradku muran siyaasiya dalka sii galiyeen.Xisbiyada waxa uu liisanka ka dhacayaa bisha December waxaanay u arkeen furista ururada in ay tahay duulaan iyaga lagu soo qaaday,ergo ayaanay Madaxweynaha usoo direen ay leeyihiin anagana nadaa oo muddo  kordhin Xisbiyada u samee oo doorashada deegaanka ee dhacaysa 2026  hallagu tartamo,Madaxweynuhu waxa uu yidhi xaqa Muwaadiniinta Somaliland ee ah in tobankii sanaba mar la furo Ururada Siyaasada anigu xaqaa ma hor istaagi karayo.markii uu kordhinta ka diiday Madaxweynuhu Xisbiyadda Mucaaradka  ayay buuq bilaabeen buuqan oo dhami Xisbiyada hala daayo ayay ahayd,”.

Cumar-sayid  oo hadalkiisa sii wata,ayaa yidhi. “Xisbiyadda Mucaaradka ayaa shacabkooda been u sheegaya waxa ay tageen xafiiskii gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada,waxa ay aqbaleen in doorashada Ururada Siyaasada ay ka qayb galaan.saddex xisbi marka ay soo baxaan ayaa Doorashada Madaxtooyadda la gelayaa sharciyada taas ayay ku qodantaa, waana loo wada  joogaa cidda baarlamaanka ku adkaata iyo sharciyadda mar walba sida ay wax u wadeen waxa ay ahayd halaysku tanaasulo oon sharciyad ahayn,shacabku waxa ay kaga jawaabeen booqashada Madaxweynaha in loo riyaaqay  mucaaradka may seexan markii Madaxweynaha la soo dhaweeyay,in taageeradii shacabka uu helay Madaxweynuhu boqolkiiba 55 waa ay cadayd,”.

Leave a Reply