Xaqiiqda Xannuunada Ruuxda!

0
285

Xanuunada ruuxad ku dhaca way badan yihiin waxaan ka mid ah istusnimada iyo inuu qofku jeclaado inuu caan noqdo. Rasuulka Allah (scw) ayaa yidhi: “ Camalka yar ee istuska ahi waa sharki, kan colaadinaya Awliyada Allah wuxu Allah (sw) ugu soo banbaxay dagaal.

Allaha (scw) wuxu jecel yahay kuwa wanaagsan ee ka cabsada ee qarsoon. Kuwa hadii ay maqan yihiin aan la tebin, haddii ay yimaadaana aan la garan.

Qalbiyadoodu waa sida faynuusyada oo kale oo meel kasta ka saaraya mugdi”   Islaamku wuu neceb yahay istusnimada.

Rasuulka ayaa xadiis kale ku yidhi :” Diintaada ka dhig mid daacad ah waxa kugu filaan doona camal yar” . Waxa loo baahan camal kasta oo la qabanayo in Allah (sw)  dartii loo qabto.  Xadiis:” Qofka muslinka ah ee beera geed ama daaq, shimbirtii iyo qofka wax ka cunaba waxa ugu jira sadqad”  Waana marka uu Allah dartii u qabto beeristiisa. Niyadda wangaasan ayaa loo baahan yahay mar kast oo aad hawl qabanayso iyo inaad ula jeedo Allah dartiis.

Leave a Reply