Xukuumadda Somaliland maxay ka tidhi Astaamaha muujinaya Shidaalka ee laga helay Salaxley

0
440
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somalilanad Cabdilaahi Cabdi Faarax, ayaa sheegay in raadad shidaal oo laga helay deegaanka Baha-Dhamal ee degmada Salaxley Wasaaraddaasi marin doonto hubin cilmiyeysan oo lagu xaqiijinayo noocyadda raadka shidaal iyo inuu salka ku hayn karo kayd shidaal oo weyn.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Wasaaradda ayuu ku sheegay inuu dalkeena ku jiro Khayraad Shidaal oo badan, isla markaana meelo badan la baadhay, kuwo kalena wali baadhistooda la diyaarinayo.
Xukuumadda ayaa dhawaan shaacisay in ceelal shidaal qodistooda la bilaabo doono sida ugu dhakhasaha badan.

Leave a Reply