Saddex Ciyaartoy oo uu Mbappe Sabab u ahaa in PSG laga Diro

0
488

Bilawgii suuqii xagaaga Kylian Mbappe ayaa heshiis kordhin ka aqbalay Paris Saint-Germain balse heshiiskaasi ayuu ku aqbalay shuruudo. Sida uu sheegayo wargeyska Le10Sport, PSG ayaa ka aqbashay Mbappe shuruudo ay kamid ahaayeen in la diro qaar kamida xiddigaha kooxda.

Warbixinta wargeyskaas ayaa sheegaysa in mid kamida shuruudaha Mbappe ay ahayd inuu gaadhi karo qaar kamida go’aamada ciyaareed ee kooxda.

Wararka qaar ayaa sheegayay in Kylian uu aad iskugu dayay inuu kooxda ka diro Neymar Jr oo ay weerarka ka wada ciyaaraan kaddib isku dhacyo iyo xidhiidhkooda oo aan fiicnayn.

Warar cusub oo soo baxaya ayaa sheegaya in Neymar uusan ahayn xiddiga kaliya ee Kylian isku dayay inuu ka diro Parc des Princes balse sidoo kale uu ahaa sababtii kooxda looga diray Ander Herrera, Mauro Icardi iyo Julian Draxler.

Herrera ayaa amaah ugu wareegay kooxdii uu kasoo baxay ee Athletic Bilbao, Mauro Icardi ayaa ka degay kooxda Turkey-ga ah ee Galatasaray halka Draxler amaah ugu biiray SL Benfica.

Warbixinta Le10Sports ayaa sheegaysa in Mbappe ahaa maskaxda ka dambaysay in saddexleydaas xiddigaha ah amaah lagu diro, waxa laga warsugi doonaa go’aanka kooxdu ka gaadho heshiisyadooda amaahda halka xilli ciyaareed ahi markay soo dhammaadaan.

Dhinaca kale Neymar oo dhawaan la weydiiyay xidhiidhka kala dhaxeeya Mbappe kaddib kulan saaxiibtinimo oo xulka Brazil ka adkaaday Ghana ayaa diiday inuu wax jawaab ah bixiyo taas oo qudheedu jawaab ah.

Leave a Reply