Israa’iil iyo Lubnaan oo Gelaya Heshiis lagu Tilmaamay Midddida Afkeeda

0
306

Iyadoo Yurub ay la daalaa dhaceyso qiimaha gaaska, ayay Israa’il iyo Lubnaan gaadheen heshiis muhiim ah oo aan toos ahayn kaas oo la xidhiidha goobaha badda ee uu gaaska dabiiciga ah ku jiro ee ay labada dhinac isku haystaan.

Israa’iil iyo lubnaan oo midba mid kale u arko inuu yahay cadowgiisa ayaa la so werinayaa in markii ugu horreysay ay heshiiska dhanka gaaska ah si aad ah isugu soo dhawaadeen.

Haddii ay kaadhadhkooda turubka safiican u baandheeyaan  waxaa suurogal ah in la helo ilo dhanka tamarta oo cusub.

Balse haddii si khaldan loo qaado tallaabada heshiiska waxaa laga yaabaa inuu dagaal ka dhasho  iyadoo kooxda mintidka ah ee Lubnaan iyo xisbiga Xisbullah ay hanjabaado cusub u direen Israa’il.

Bishii July ahay ahayd markii kooxda Xisbullah, ay soo saartay muuqaal ay ugu hanjabayso Israa’iil kaas oo ay ku sheegtay inay qaadeyso tallaabo ka dhan ah maraakiibta shidaalka iyo gaaska ka baadha xeebaha Israel ee badda Mediterranean-ka.

Muuqaalka ayaa waxaa laga sii daayay TV-ga ururka Al-Manar, waxa uu ka kooban yahay muuqaalo naadir ah oo ku saabsan hubka Xisbullaah, waxaana uu ka digayaa in goobaha Israa’iil ay ku sugan yihiin ay wax yar uun u jiraan gantaaladeeda.

Saddex xagal ka mid ah biyaha Mediterranean-ka ee turquoise ayaa udub dhexaad u ah dagaalka labada dhinac ee tartanka xuquuqda sahaminta tamarta.

Isagoo ka jawaabaya hanjabaddaas ayuu wasiirka difaaca Israa’iil Benny Gantz wuxuu uga digay Mr Nasrallah in weerar kasta “qiimuhu wuxuu noqon doonaa Lubnaan”.

Soo-saarista gaaska Karish ayaa ah qayb ka mid ah qorshaha Israa’iil ee ah inay gaaska u dhoofiso Midowga Yurub, maadaama uu  raadinayo beddelka tamarta Ruushka. Israa’iil waxa ay hiigsanaysay in ay saarto 10% gaaskii uu Ruushku siinayay Yurub ka hor intii aanay duullaan ku qaadin Ukraine.

Dhanka kale, Lubnaan – oo ay curyaamisay koronto yaraan ba’an iyadoo ay jirto xiisad dhaqaale – waxay rejaynaysaa inay gaas ka hesho kayd gaaska ee muhiimka ah ee Qana, kaasoo ku fidsan aagga lagu muransan yahay. Waxaana gaaskaasi sanadaha soo socda loo isticmaali karaa tamarta gudaha iyo dhoofinta dibadduba.

“Siyaasiyiinta Lubnaan waxay arrintan u arkaan waddada suurtagalka ah ee dib u soo kabashada dhaqaalahooda liita,” ayuu yidhi David Wood, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan kooxda xasaradaha caalamiga ah (ICG).

 

Leave a Reply