Khatarta Dayax-gacmeed Hawada ku Burburay oo laga Baqayo?

0
326

Weligaa maku fikirtay in adigoo waddada iska socda ay kugu soo dhici karaan biraha hadhaadiga dayax-gacmeed ku burburay hawada sare?

Waxaa laga yaabaa in aanad horeba uga fikirin arrin noocaas ah, sidaas awgeedna ay halista kaaga dahsooneyd. Ama waxaa suurtagal ah inaad gebi ahaanba meesha ka saartay saameynta ay yeelan karto khatartaas. Balse miyaad ku saxan tahay taas?

Jawaabta ay bixiyeen inta badan dadka ay warbaahinta caalamku waraysatay   waddooyinka magaalooynka Qaahira iyo Beyruut waxay ahayd in aanay wax noocaas ahi dhici karin.

“Dabcan waxaa dayax-gacmeedyada loo sameeyaa si aad iyo aad looga taxaddaray khatarta ka dhalan karta,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii  la waraystay

 

Mid kalena waxa uu yidhi: “Dabcan ma jirto halis, suurtagalna ma aha inay waxaasoo kale dhacaan.”

Balse, dhowr qof ayay jawaabtoodu noqotay in ay macquul tahay, ayna dhici karto in khatar lagala kulmo dayax-gacmeedyada ku burburay hawada sare.

“Waligey hore isuma weydiin, mana ka fikirin, balse hadda marka aad i weydiisay, haa, way dhici kartaa, waxaana laga yaabaa inayba hore u dhacday,” ayuu yidhi qof ka mid ah dadka la wareystay.

Run ahaantii wayba u dhacday hore. Marar badan oo hore ayay nagu soo dhaceen dayax-gacmeedyada iyo gaadiidka kale ee hawada.

Leave a Reply