Xiddigii Bisha September ee Horyaalka La Liga oo lagu Dhawaaqay

0
248

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa shaaciyey xiddigii ugu fiicnaa bisha September ee dhamaadka ah, waxaana ku guuleystay laacibka Real Madrid uga ciyaara khadka dhexe iyo garabka midig ee Fedrico Valverde oo abaal-marinta ku garaacay Robert Lewandowski oo bishii hore ee August ku guuleystay.

Xiddiga reer Uruguay ayaa bisha September dhaliyey laba gool oo horyaalka ah mid kalena caawiyey, waxaana uu bandhig heersare ah ka sameeyey kulankii Atletico Madrid iyo sidoo kale Real Mallorca, halka uu xoogsaday booskiisa garabka weerarka oo qaybaha dambe ee ciyaartana uu Carlo Ancelotti usoo celinayay khadka dhexe.

Saddexdii ciyaarood ee ay guulaha kasoo hoysay Real Madrid bisha September ee Real Betis, Real Mallorca iyo Atletico Madrid ayaa uu Fede Valverde goolasha iyo caawainta ka sameeyey, waxaana uu isku qoray laacib ay lama taabtaan tahay tahay booskiisa iyadoo waliba khadka dhexena  ay ka ciyaarayaan Tchouaemni, Kroos iyo Modric.

Carlo Ancelotti ayaa rajaynaya in uu Fede Valverde sii wadan doono bandhigga wanaagsan kulamada tirada badan ee bisha October oo illaa sagaal ciyaarood ay dheeli doonaan, iyadoo horena uu tababaraha Talyaanigu u sheegay, in haddii Valverde uu sannadkan dhalin waayo toban gool iyo ka badan, in uu jeex-jeexi doono liisankiisa tababarenimo oo uu hawlgab ka noqon doono ciyaaraha.

Kulamada adag ee Real Madrid ee bisha October ayaa waxa ka mid aha Barcelona, Sevilla, Shakhtar iyo RB Leipzig, halka Axaddana ay martigelin doonaan Osasuna oo kusoo booqan doonta Santiago Bernabeu.

Leave a Reply