Xikmadda Maanta

0
454
  • Waxay doonayeen in nebi yuusuf (cs) dhinto oo ay dilaan, laakiin muu dhiman. Kuwii ceelka ka soo saaray waxay doonayeen in laga dhigto adoon, laakiin wuxu noqday madax qiimo leh. Sidaas darteed haka baqan hana ka werwerin aadamiga waxay kuu shirqoolayaan, waayo rabitaanka Allah (sw) ayay wax kasta ku hirgalaan.

 

  • Xikmad :Awood uma lihid inaad bedesho muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.
  • Xikmad:  Shimbiruhu waxay cunaan qudhaanjada, laakiin markay dhimato qudhaanjada ayaa cunta, sidaasi ayay duruufuhu isu bedelaan.   Waxa laga yabaa inaad maanta xoog tahay laakiin wakhtigu waa kaa xoog  weyn yahay.
  • Xikmad: Ha barin caruurtaada sidii ay maalqabeen u noqon lahaayeen , laakiin bar  inay  farxada ku noolaadaan , markaasi ayay baranayaan faa’iidada alaabooyina , laakiin ma baranayaan sicirkooda.

Leave a Reply