Maxaa lagu daweeya WADNE xannuunka

0
478

Qaybta saddexaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona maxaa lagu daweeya WADNE xanuunka, waxa sharaxay Dhakhtar Nuux Ismaaciil Bootan, oo ka mida dhakhaatiirta sida gaarka ugu takhasuustay Wadnaha ee ka hawlgala cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isaga oo si gaara ugu waramayay barnaamijka caafimaadka ee Wargeyska Dawan.

Dhakhtar Nuux waxa uu is dultaagay sida ugu habboon ee loo daweyn karo WADNE xanuunka, waxaanu sheegay in  wixii sababaya WADNE xanuunka midkasta gaarkiisa loo xakameeyo isla markaana loo daweeyo, sida   haddii  dhiikar uu keenay in la xakameeyo, haddii uu Macaanku keenay in la xakameeyo, haddii Subagowgu keenay in la yareeyo isla markaana qofku si joogto ah u qaato daawadiisa.

Sidoo kale waxa uu xusay haddii uu WADNE xanuunku abuurmo in ay lagama maarmaan ay tahay in qofku si joogta ah ugu xidhnaado,    dhakhaatiirta ku takhasuustay xanuunada ku dhaca WADNAHA, isaga oo intaas ku daray in daawada WADNE xanuunka loo qaata ay leedahay Miligiraam, isla markaana aanu qofku dhaafin karinta  inta loogu talo galay, haddii kale ay saameyn xoogan oo caafimaad ku yeelanayso xinjirowga dhiigaaga,   Kelyahayaha,   Maskaxdaada.

Dhakhartku waxa uu daboolka ka qaaday  in bukaanada cisbitaalka ku soo booqda ay ugu badan yihiin haweenka uurka leh ee WADNE xanuunka yeesha, taas oo uu cadeeyay in ay sabab u tahay isku buuqa iyo welwelka faraha badan ee gabadhu ay la kulanto marka ay uurka yeelato, isla markaana ay sababaan duruufaha kala duwan ee xagga nolosha, iyo mid dhaqaale.

Waxa kale oo sheegay in Daroogada Qaadka iyo Sigaarku ay bulshada Somaliland ay  dhaxalsiiyeen xanuunad uu ugu horeeyo WADNE xanuunku, waxa uu xusay dhacdo cajiib ah oo uu kala kulmay mid ka mida bunaadii cisbitaalka loogu keenay, oo uu tilmaamay isaga oo Xinjir WADNAHA ahi xidhantahay in raggii waday ay yidhaahdeen wuu ‘Mirqaansan yahya.’.

Dhakhtar Nuux Ismaaciil Bootaan isaga oo mid mid u sharaxaya waxyaabaha daawada u ah WADNE xanuunka waxa uu yidhi.“Wadne xanuunka waxa lagu daweeya isaga oo si gaar gaar ah midkasta loo daaweeyo wixii sababaya, haddii uu dhiikar keenay la xakameeyo, haddii macaanku keenay la xakameeyo, haddii subagowgu keenay la yareeyo oo daawadii subagowga uu qofkii qaato.

Wadne xannuunku la mid maaha   duriga oo kale, lama mid maaha oofta oo kale, Wadne xannuunku haddii uu sameysmo oo uu abuurmo waxa uu u baahanyahay la socod dhakhtar wadneed, maaha dhakhaatiir oo dhan, oo garan kara wadne xanuunka, sababto ah daawada wadne xanuunka loo qaata miligiraam ayay leedahay, saameyn ayay ku yeelanaysa xinjirowga dhiigaaga, saameyn ayay ku yeelanaysa Kelyahaaga, saameyn ayay ku yeelanaysa Maskaxdaada, marka dhakhtarkasta maaha ee mid wadnaha ah waa in aad la xidhiidha.

Ka hortaga ayaa ka fiican daawaynta sababta oo ah bukaanada imika dhakhtarka weyn nagu booqda waxa ugu badan haweenka uurka leh ee Wadne xanuunka yeesha, hooyadu marka ay uur qaado waa in laga sii eeg Wadnaheedu uurka ma qaadi karayaa?  Mise ma qaadi karayo? Haddii hooyadu uurqaado oo ay Dhiikar yeelatay intee in le’eg ayay hooyadu uurkan sidi kartaa? Ma in laga fooliyo ayay u baahantahay? Miyay foolan karta oo gaar ayay u umuli kartaa?.

Marka xanuunada hooyada uurka leh ku dhaca ee in Wadnuhu balaadho ayaa ugu badan bukaanada cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa nagu soo booqda, xinjirta Wadnuhu iyaduna way fara badan tahay.

Waxa kale oo noo yimaada dadka leh xinjirowga Wadnaha fadhiista, waa xannuunada ugu badan ee dadku imika bukaan socodka u yihiin, sidoo kale waxa iyaduna nagu fara badan Wadnaha oo shaqadii gabay, Wadnihii oo qofkii balaadhay, macaankii oo qofkii ku sababay in uu Wadne xannuun yeesho.

Haddaba waxa lagaga hortagi karaa qofku hadii uu Macaan iyo Dhiikar leeyahay waa in uu dawooyinkiisa ilaashada, subaga waa in uu la socda saddexdii biloodba hal mar, in qofkii Jimicsi sameeyo, qofka 60 jir ilaa 70 u dhaxeeya 30 minit aroortii haddii uu si fiican u socdo way ku filan tahay, 40 ilaa 50 jir inta u dhaxaysa hal saac in uu socdo, Jimicsiga ugu fiicani waa lugta, bulshadeenuna inta badan way fadhiyaan.

Duxda in uu qofku iska yareeyo iyada oo loo baahanyahay ayaa hadana la rabba in qofku miisaamo inta uu subaga uga baahanyahay, qaybaha kala duwan ee khudaarta ayaa loo baahanyahay isticmaalkooda iyo in qofku cuno.

Daroogadu waxaa dhibaatada ugu badan ee haysta dalkeena iyo dadkeena, waliba cunista qaadka iyo cabitaanka sigaarka ee wadne xannuunka keenaya.

Waxyaabaha cajiibka ah ee cisbitaalka nagu soo maray waxa ka mida nin ayaa na loo keenay, wuu dhididsan yahay, balse dadka la socda waxa ay leeyihiin wuu mirqaansan yahay, laakiin Xinjir dhinaca Wadnaha ah ayaa xidhan, dhidid badan ayaa shaxda ka haya, iyada oo caalamadihii lagu garanayay Wadne xanuunka oo ah laabta oo xanuunta iyo dhidid badan ay ka muuqdaan, waxaana sabab u ah Qaadka iyo Sigaarka.

Waxyaabaha kale ee Wadne xanuunka sababa waxa ka mida isku buuqa, waxa uu ku badan yahay dhallinyarada, waxa keenaya waxbu ka baqanaya, waxbu ka fikirayaa oo uu waayaya, isku buuq fara badan ayuu yeelanayaa.

Haddaba maxaa daawo ah?

Huradada oo hore loo seexdo, saama laylka iyo soo jeedka faraha badan ee habeenkii oo uu qofku iska daayo, waa waxyaabaha daawaynta u ah Wadne xanuunka isku buuqa ka dhasha.

Nuxurka fariinta aan bulsha  weynta reer Somaliland u diraya waxa tahay ‘Muwaadin Wadnahaaga ilaali, haddii aad Dhiikar yeelato, Macaan yeelato, Beer subag yeelato, dhakhtarka hore u kaalay,”

Leave a Reply