Caalamka Iyo Kibirkii Gumaysiga Japan

0
188

Japan ayaa ahayd dawlad weyn oo dhulka Aasiya ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan aad uga saraysay  horaantii qarnigii 20aad,  taasi ayaa keentay inay xataa dalka China duulaan ku qaado oo ay gumaysato. Qarnigii 20aad , horaantiisa  Japan waxay ka samaysay Aasiya gumaad aad u xun.

Shacbiga dadkiisa ayay iyagoo nool aasi jirtay.

Sawirka waxa ka muuqda dad shacab ah oo Shiine ah oo ay ciidanka qabsaday ee Japan ay garaacayaan inta ay xidhxidheen. Waxa kale oo ay iyaguna si arxan daran u dili jireen dumarka iyo caruurta. Taariikhdan ayaa dalka Shiinaha looga yaqaan waayadii madoobaa ee gumaystaha Japan. Dagaalkii labaad jabkii ku dhacay Japan ayaa sabab looga dhigaa kibirkaasi iyo xasuuqii ay ka geysteen guud ahaan Aasiya gaar ahaan China.

Sanadkii 1945 markii Maraykanku wuxu ku riday Japan Qunbuladii ugu weynd ee dunida la isku rido magaalada Horishima, waxay isu rogtay magaaladu meel qiiq  ka baxayo oo  keliya.

Qunubuladan ayaa miisaankeedu dhamaa 12500 Ton, oo wadata daynabooyinkii qaraxa  samaynayay. Markii ay qunbuladu dhacady dadku wixii dhintay mooyee waxa soo hadhayna waxay galeen waareer, laakiin 20 daqiiqo ka dib ayay dadku wax kala garteen waxaana laga qaaday magaalda sawiro naxdin iyo argagax abuuray.

Leave a Reply