Khayraadka Bada iyo Berriga isku Filnaansho ayaynu ka Gaadhi Doonaa.”Wasiir Warfaa

0
341

Hargeysa (Dawan):-Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta  Kalluumaysiga Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa sheegay in Xooluhu yihiin
laf dhabarka  Dhaqaalaha Waddanka.

Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa sheegay in ay u xilsaarantahay Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo  Kalluumaysiga daryeelka iyo  Caafimaadinta  Xoolaha,waxaanu intaa ku daray in qaranka ay u hayaan shaqo wayn.

Maxamuud Jaamac Warfaa  oo Arimahaa ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Xooluhu waa laf dhabarkii Dhaqaalaha  Waddanka,waxa ay u xilsaaran tahay Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga,ka warqabka Xoolaha hadday tahay  Caafimaadinta Xoolaha hadday tahay  naaxintooda Calafsiintooda  iyo Ceelasha ay ka cabbayaan.hawlo badan ayaanay Wasaaradani u haysaa qaranka,”.

Wasiir ku Xigeenka ayaa tilmaamay in Warshadaha Kalluunka ee dalka laga hir galiyay  lagaga maarmi doono Kalluunkii dibedda ka iman jiray.Waxaanu yidhi”Ilaa saddex Warshadood oo Kalluunka ayaa gacanta lagu hayaa oo ku dhaw in ay dhamaadaan,waxaanay innaga haqab tiri doonaan Kalluunkii dibedda laga keeni jiray  dad kuna shaqo ayay  ka heli doonaan Khayraadka Badda iyo Khayraadka Berriga isku filnaansho ayaynu ka gaadhi doonaa wakhtiyada soo socda,”.

Sidoo kale Wasiir ku Xigeenka ayaa waxa uu uga mahadceliyay  Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ansixiyay.Waxaana  uu yidhi”Waa waajibaadkii Golaha Wakiilada  lahaa si wanaagsan ayuuna noo ansixiyay,waana uga mahadcelinayaa,”.

 

Leave a Reply